”Soo daaya kii yaraa!!” – Sheeko qosol badan oo ka dhacday Hargaysa oo u eg mid iminka isla halkaa ka taagan!

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2019 – Beri hore ayaan tegay istaan Hargeysa kuyaalla si aan gaadhi usocda Burco u raaco. Kadib Nimanka baabuurta kireeya oo Bas ku jira ayaa mid kamid ahi nagu soo orday ” Xagee usocotaan kan soo fuula 3-boos ayaa kadhiman gaadhigu intaas ayuu ku dhaqaaqayaa, cidkale sugi mayno ” ayuu yidhi Waaba 3-da aanu nahay! Waa aniga iyo laba adeer ii ah oo miiga kayimi.

Howraarsan ayaanu nidhi. Ilayn waaba been ee waa kireeyayaashii(Kaariyadii) oo iska buuxiyey Baska. Lacag carbuun ah ayey iwaydiiyeen waanna siiyey. Hadhow ayaan ogaaday gaadhi kale oo kan kahoreeyaa inuu jiro, oo dad badan oo aan garanayo ayaaba saaran.

Ninkii ayaan u imi ku idhi: ”Inaadeer gaadhigan taagan ayaanu raacaynaaye lacagtayadii noo celi maadaama aad been noo sheegtay. Wuxuu iigu jawaabay “Adeer Carbuuni ma noqotee iska BAX”.

Sheekadii ayaa kululaatay oo aad baanu iskugu xanaaqnay, kadib askari buu lahadlay Jeelka udhow istaanka ayaaba laygu tuurey, DALAQ. Weliba meel SABADDA layidhaahdo oo dhagax lashubay ah kulaylkana aad yaaabayso misna tuugta loogu talo-galay ayaa gunta lay dhagay.

Dhowr saacadood kadib markii gaadhigii Baska ahaa buuxsamay ayuu ninkii jeelkii yimi “Kii yaraa iska siidaaya waan cafiyey’e” ayuu aadyar iska yidhi.

Waa laysoo daayay wuuna iraali geliyey. Ogow labadii nin ee ila socday geeridii Nebigaba (NNKH) ma oga oo Baskii ayey iska saaran yihiin dhowr saacadood.

Aniga iyo 2-dii kale Baska laftiisii ayaanu soo raacay, ilayn wakhti kale masugi karno’e. Sidaase kuma hadhin’e taleefanada gacanta oo berigaa dad yari siteen ayaan kula hadlay nin saaxiibkay ah oo aan sheegay in caddaalad darradaasi dhacday, kiiskiiba wuu waynaaday Burco ayaana loosoo wareejiyey markiiba, maadaama oo ninkii iyo aniguba aanu joogno Burco. Ugu danbayntii sidaanu rabnay ayuu ku dhamaaday.

Bakayloow sheekadaas oo kale ayaa ku dhacday oo markii SHOW-GII dhamaaday ayaa aadyar la iska yidhi “Soo daaya kii yaraa”.

Waa caddaalad darro wayn in qof la iska xidho misna aad yar la iska siidaayo, waxaanse ku odhan lahaa Bakayle arintaas haka hadhin hana yeelin raali ahow.

Waxaa Qoray: Khadar Shaanni oo ay sheekadu ku dhacday

Hadalsame Media