”Nin kasta oo Soomaali ihi wuu hubaysnaa, wuxuuna iska ilaalinayay Soomaali kale!” – Nin Ingiriis ah ayaa yiri 165 sano kahor!!

0

(Hadalsame) 18 Agoost 2019 – Dhul-mareenkii Ingiriiska ahaa ee la odhan jirey Richard Burton, buugiisa la yidhaahdo First foots in East Africa isaga oo ka hadlaya waxii uu Soomaaliya ku soo arkay mar uu socdaal ku yimid sannadkii 1854-kii ayaa waxuu yidhi sidan:

”Arladdu waa wada bahal, waxaana ku badan dugaaga halista ah sidda Libaaxa, shabeelka iyo kuwo kale, nin kasta oo Soomaali ihina wuu hubaysan yahay oo tooreey iyo waran ayuu sitaa, mar walbana waa nin feejigan oo hareeraha iska eegaya, cabsida ugu wayn ee haysaana, waa nin kale oo Soomaaliyeed oo uu iska eegayo inuu dilo ama dhaawaco.

Mudo 165 sano ka badan ayaa laga joogaa marka uu ninkaa qoraaga ee u dhashay dalka Ingiriiska uu ka hadlayey dhaqanka ninka soomaaliga ah ee ninba ninka kale uu iska eegayo ama iska ilaalinayo inuu dilo waxaana la yaab leh in weli dhaqankaas uu haatan jiro iyadoo la joogo qarniga 21-aad oo Aduunyaddu qorshaynayso inay meerayaal kale u guurto.

Halka Soomaaliduna ay weli ka jirto in qofba qof dilayo sida dugaagga, waxaadna ogaanaysaa in aan caqligeenu wax koritaanaba aanu samaynin ee uu yahay mid dhagaxa.

Waxaa Diyaariyay: Axmed Nuur Guruje

Hadalsame Media