”Nasiib wacan sidaad ula safatay KDF!” – Siyaasi Kenyan oo macasalaameeyay Axmed Madoobe

0

(Nairobi) 18 Agoosto 2019 – Charles Mwanzia oo ah aqoonyahan ku xeel dheer amaanka oo la shaqeeya dowladda Kenya ayaa amaan kala dul dhacay MW Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Ninkan ayaa boggiisa Twitter-ka kusoo qoray sidatan: ”Nasiib wacan Md Axmed Islaam Maxamed “Madoobe” (kuna mahadsanid) la safashada Ciidamada Kenya (KDF), xilligii adkaa ee xoreeynta Kismaayo.”

Wuxuu Mwanzia oo goconaya kulan dhex maray isaga iyo Madoobe uu daba dhigay: ”Waxaan xusuustaa sidii wanaagsanayd ee aad iigu soo dhoweeysey Aqalka Kismaayo, sarrayntaadee!”

Axmed Madoobe oo xiriir dhow la leh Kenya ayaa haatan wajahaya cadaadis siyaasadeed oo culus oo kaga imanaya DF Somalia, beesha caalamka iyo siyaasiyiinta isaga ku kacsan, waxaana la isku hayaa qaab agaasinka doorashada Jubbaland oo uu gacan bir ah kaligii ku qabtay, taasoo ay DF ku tilmaantay mid aan sharci ahaan sax ahayn oo aysan aqoonsan doonin.

Warkan ayaa loo arkay mid macasalaamayn ah, iyadoo ay Kenya lafteedu u muuqato mid tahli kari la’ inay xoog ku socodsiiso rabitaanka Madoobe.

Hadalsame Media