”Haweenka ayaa 4 jeer ragga uga badan dirista sawirrada qaawan!” – Daraasad cusub

0

(Phoenix, AR) 18 Agoosto 2019 – Daraasad cusub oo ay samaysay Arizona State University ayaa lagu ogaadey inay sababo kala geddisan ragga iyo haweenku u adeegsadaan dirista qoraallada, sawirrada iyo muuqaallada qaawan ee loo yaqaanno ‘sexting.’

Daraasadda Jaamacadda ayay la yaab noqotay in lagu ogaadey in da’yartii la waraystay ay kasoo baxday in haweenku ay 4 jeer ragga kaga horreeyaan diritaanka sawirradan, si ay ragga uga hor istaagaan inay ka xiise dhacaan, sida ay daraasaddu sheegayso.

Ardayad PhD diyaarinaysa oo la yiraahdo Morgan Johnstonbaugh ayaa ilaa 1,000 arday waydiiyay sababta ay u direen muuqaallada iyo sawirrada.

Waxaa la waydiiyay arday dhigata 7 jaamacadood oo kala geddisan, iyadoo la siinayo 23 ikhtiyaar oo ay kala doortaan.

”Haweenka ayaa 4 jeer ragga uga badan dirista waxyaabahan, si aanu ninku u luminin xiiseheeda.” ayay tiri Morgan.

”Ha yeeshee, dumarku waxay arrintan oo ay qaarkood u arkaan awood dheeraad ah oo ay adeegsanayaan, kala kulmaan dhibaatooyin, waayo wax kasta ayay ku waayi karaan dirista muuqaalladan.” ayay daba dhigtay.

Daraasad kale oo 2012 samaysay University of Michigan, ayaa 3,447 oo rag iyo haween ah oo ay da’doodu u dhaxayso 18-24, waxaa lagu ogaadey inay dadku si iskood ah u diraan muuqaallada.

Daraasaddan ayaa meesha ka saaraysa aragti ah in ay raggu iyagu haweenka ku dirqiyaan inay u diraan muuqaallada noocan ah, iyadoo arrintan aan anshaxa ku suubanayn ay xitaa ka dhex jirto Soomaalida.

Hadalsame Media