AMISOM oo isku sawirtay guushii ay soo hooyeen Ciidamada Somalia + Sawirro

0

(Awdheegle) 17 Agoosto 2019 – Taliyaha Ciidamada Uganda ee Somalia Sarreeye Guuto Michael Kabango ayaa booqday goobihii ay Ciidammada Xoogga Soomaaliyeed ka xoreeyeen Al-Shabaab, gaar ahaan Awdheegle.

Taliyaha Uganda ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo ciidamada uu hoggaaminayaa ay horumar ka samaynayeen degaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Arrintan ayaa dadka u muujisay in haddii la sameeyo ciidamo Soomaaliyeed oo u dhaqmaya sidii ciidan lagu yaqaanney aan loo baahayn AMISOM oo haatan gebi ahaanba aan wax badan ka tarin ujeedka guud ee nabad ilaalineed ee ay Somalia, iyagoo mar hore joojiyay inay weerarro qaadaan.

Ciidamada haatan ku sugan Shabeellaha Hoose ayaa ah ciidamo badankood uu tababaray isla markaana ilaa xad hubeeyay dalka Turkigu, waloow aysan weli haysan agab ciidan oo ku filan.

Taliyaha AMISOM ayaa u muuqda inuu haatan ogaanayo inay soo bexeen ciidamo Soomaaliyeed oo kaligood u babac dhigi kara waajibaadka amaanka dalka, iyadoo si taa loo gaaro loo baahan yahay in lasii amba qaado hindisaha amaanka qaranka oo horay loo dejiyay.

Hadalsame Media