Somalia oo muddo dheer kaddib ka mid noqotay 10-ka dal ee ugu sarreeya dhoofinta….

0

(Muqdisho) 16 Agoosto 2019 – Dhoofinta Sisinta ayaa haatan waxay ka mid noqotay waxyaabaha ugu waawayn ee ay Somalia dhoofiso, iyadoo lagu shaqaaleeyay Soomaali fara badan, halka beeraleey badanina ay ka macaashaan kumannaan doollar.

Dalka Somalia ayaa si tartiib tartiib ah usoo ceshanaya wax soo saarkiisii beeraha oo aad hoos ugu dhacay xilliyadii Dagaallada Sokeeye oo ay dhul beereedkii ku degeen malliishiyaad qabaa’illo kala sheeganaya.

Yeelkeede, haatan sida ay sheegayso hay’adda Maraykanku taageero ee diiwaan gelisa kororka shaqooyinka iyo hab-nololeedka (Growth, Enterprise, Employment and Livelihoods (GEEL), waxay Somalia sanadkii tegey dhoofisey Sisin ku kacaysa $300 milyan oo doollar, taasoo Somalia soo gelisey liiska 10-ka dal ee dunida oo idil ugu sarreeya dhoofinta SISINTA.

Somalia ayaa awal horay ugu jirtey kaalinta 12-aad, balse iminka waxay timi kaalinta 8-aad, waxaana Sisinta aad u dalbanaya dalalka Bariga Dhexe, Hindiya iyo Shiinaha oo ah meelo aad looga qiimeeyo Sisinta oo lagu qurxiyo rootida, doolshaha iwm, isla markaana aad looga qiimeeyo saliiddeeda oo ka mid ah kuwa dunida ugu faa’iidada badan.

Somalia ayaa leh fursad sare oo wax soo saar, iyadoo kobaca ganacsiga Sisintu uu yahay mid hordhac ah oo ay sidoo kale ku daba jiraan dhoofinta miraha iyo khudaarta kale, kalluunka, hilibka iyo caanaha, balse waxaa loo baahan yahay amaan buuxa iyo aragti siyaasadeed oo horusocod ah, si uu dalku u wada gaaro cududdiisa wax soo saar iyo midda horumar.

Somalia ayaa waxaa haatan hor taagan dad aan aragti fog lahayn, balse xitaa naftooda u diiddan inay sharaf, nabad iyo baraare ku noolaadaan.

Hadalsame Media