Sawir qaadihii Ciidamada Xoogga oo ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii Awdheegle + Sawirro

0

(Awdheegle) 16 Agoosto 2019 – Allaha U naxariistee Cabdinaasir Cabdulle Gacal ayaa lagu warramayaa inuu ka mid ahaa weriyaasha Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee ku geeriyoodey weerar is miidaamin ahaa oo dhowaan lagu qaaday xero ay ciidamadu lahaayeen.

Gacan ayaa ahaa sawir qaade inta badan soo dudbin jirey ama baahinayay muuqaallada dagaalada iyo howlgallada ay sameeyaan Ciidamada Xoogga Dalka ee la dagaallamaya kooxda xag-jirka ah ee Al-shabaab.

Waxa uu ku shahiiday weerarkii ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen xero ay Ciidamadu ku lahaayeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellada Hoose, halkaasoo ay dhowaan kala wareegeen kooxdaasi.

Hadalsame Media