”Iib ma nihin!” – Denmark oo ka xanaaqdey war uu Trump ku sheegay inuu iibsanayo qayb dhulkooda ka mid ah!!

0

(Copenhagen) 16 Agoosto 2019 – Wasiir Dibadeedka Greenland ayaa si kulul ugu jawaabey MW Maraykanka ee Donald Trump oo horay u sheegay inuu iibsanayo geyigan oo qayb ahaan hoos taga Denmark, isagoo Reuters u sheegay inaanay iib ahayn.

“Wax kala iibsi waa ogol nahay, balse annagu iib ma ihin,”  ayuu yiri Ane Lone Bagger, Wasiir Dibadeedka Denmark.

Trump ayaa horay ugu yara kaftamay inuu kaaliyeyaasiisa u sheegay inuu doonayo inuu Denmark ka iibsado Greenland.

Madaxwaynaha ayaa muujiyay inuu jeclaan lahaa geyigan oo macaadinta hodan ku ah, balse Danish-ka ayaan fikraddaa la dhacsanayn.

Hadalsame Media