Dagaalka Yaman oo yeeshay wejiga dagaalladii Somalia (Maxaa soo kordhay?)

0

(Hadalsame) 16 Agoosto 2019 – Dagaalka Yaman waxa uu yeeshay weji kale oo ah in ay gooni goosad doonayaan koofurtu haddana ay ka jirtay dowladda caalamku aqoonsan yahay, Madaxwayne Cabdi Rabbu Mansuur Haaddi, waa tii madaxtooyadii isaga bax la yiri oo maleeshiyaad isbahaysiga Carbeed aan ku jirin Imaaraatkuna ku qaraabto la wareegeen.

Weli bahashu fara kama qodna oo isabahaysiga Carbeed dagaalkaan waxaa kaga baxay dhaqaale aad u fara badan oo balaayiin ah, wax natiijo ah ma jiraan, sababta ayaa ah in Xuutiyiintu dowladahaa aanay wax badan ka hub iyo taatiko yarayn, dhibta kale ee raacda ayaa ah in masaalix ay meesha taallo, tusaale imaaraatka oo isagu maleeshiyaad biilkoodu saaran yahay oo ugu adeega danihiisa, ayaa doonaya in uu ilaashado marinada muhiimka ah ee dekadaha gaar ahaan dekedda ballaaran ee cadan oo ahayd tii maleeshiyaadku qabsashada markii horeba la kowsadeen.

Sucuudigu marka loo eego la dirirkiisa kooxdaa Xuutiyiinta ayaa ah in Iiraan hardan adag ee dhanka mad’habta ah kula jiro oo ka cararayo xukun qabsigooda, waxaa kale oo aan meesha ka marnayn danaha Galbeedka gaar ahaan Ameerikaanka oo uun mashquul kaga dhigaya Sucuudiga sii daba dheeraashada dagaalkaan.

Hadda waxa ay isugu biya shubanaysaa in danihii dagaalkaa loo galay maahee kuwa kale saameyn ku yeesheen, qarsoodiba ha ahaadeen e, bannaanka yimaadeen!!.

Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media