DAAWO: Ruushka oo soo bandhigay Daroon dagaal oo guuxiisa ka dheereeya!!

0

(Moscow) 16 Agoosto 2019 – Millateriga Ruushanka ayaa soo bandhigay muuqaal cusub oo muujinaya daroon cusub oo ah nooca raadaarka ka dhuunta, kaasoo lagu naanayso ”Ugaarsade”.

Daroonkan ayaa qayb ka ah qorshe qarsoodi ah oo ay wadaan Ciidamada Ruushka, iyadoo ay dayuuraddani ka mid tahay qorshahaasi, waxayna sameeysay qaalmo rogad cajiib ah iyo gad gadoon.

Daroonkan cusub oo uu muuqaalkiisu soo baxay isla maanta oo Jimce ah, ayaa waxaa dhistay sharikadda Sukhoi waxaana la yiraahdaa ‘Okhotnik’ oo ka dhigan ugaarsade af Ruush ahaan, ayaa duullimaadkiisii 1-aad sameeyay todobaadkii tegey.

Waloow ay tafaasiil badan oo Daroonkan ku saabsani ay weli sir qaran tahay (classified), misna waxaa la rumaysan yahay inuu cuf kicitaankiisu yahay 20-25 tan, isagoo guuxiisa ka dheereeya, saacaddii wuxuu jari karaa 1,400 km/h (870mph).

Daroonkan ayaa wuxuu qaadi karaa kaamiro wayn oo ay isheedu wax ka arki karto wareeg buuxa oo 360 decree ah, wuxuu sidoo kale qaadi karaa gantaalo waawayn.

Hadalsame Media