DAAWO: Ilhaan Cumar oo ka jawaabtey diidmada gelitaanka Israel & taageero ay ka heshay ururka ugu wayn Yuhuudda

0

(Washington, DC) 16 Agoosto 2019 – Xildhibaanadda Maraykanka ah ee Ilhaan Cumar (D-Minn.) ayaa furka ku xoortay RW Yuhuudda ee Benjamin Netanyahu oo shalay ku dhawaaqay inuu gelitaanka dhulka ay Israel haysato ka mamnuucay iyada iyo Rashida Tlaib (D-Mich.) iyadoo ku tilmaantay “meel ka dhac ka dhan ah qiimaha dimoqraadiyadda.”

“Waxa ay Israel dhaqan gelinayso waa mamnuuciddii Muslimiinta ee Trump, markan waxaa la diidey laba xubnood oo loo doortay Koongarayska, waxayna taasi meesha ka saaraysaa inaan wax ka ogaanno Israel iyo dhulalka reer Falastiin,” ayay tiri Ilhaan.

Diidmadan ayaa cambaarayn ballaaran ka wajahaysa guud ahaanba dalka Maraykanka, gaar ahaan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga oo ku tilmaamay mid gef ku ah Maraykanka laftiisa. Waxaa dadka go’aankan ka hor yimid ku jira siyaasiga asal Yuhuudka ah ee Bernie Sanders oo sheegay in Trump ka faa’iidaysanayo Yuhuud nacayb uu isagu shidayo.

Xitaa waxaa kasoo horjeestey ururka ugu wayn dunida marka ay timaaddo u taagnaanta qaddiyaadka Sahyuuniga ah ee AIPAC, kuwaasoo Twitter-ka ku sheegay in waloow aysan ku aragti ahayn labadan gabdhood ay misna gardarro tahay in loo diido inay galaan dalka Maraykanka.


Hadalsame Media