MW Jubbaland oo Beesha Caalamka siiyay jawaab jikaaran

0

(Kismaayo) 15 Agoosto 2019 – Waxaa magaalada Kismaayo gaarey wefdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hor kacayo Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM.

James Swan oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan Wakiilka Midowga Afrika, Ergey ka socda IGAD iyo Taliska AMISOM ayaa kulan saacado qaatay xarunta Madaxtooyada Kismaayo kula yeeshey Madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee Axmed Madoobe, kuxigeenadiisa iyo Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Waxaa la hor dhigay shuruudo ku saabsan inaanu turaanturrooyin ku hor gadaamin Musharrixiinta isaga la tartamaya, in la sameeyo qaab xulitaan daah furan iyo in fursad ololeeyneed la siiyo Musharrixiinta isaga la hardamaysa.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu Beesha Caalamka u sheegay in “aanu isagu gacan dhaafi karin” Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha” kuwaasoo lagu tilmaamay kuwo uu isagu dhoodhoobtay.

Beesha Caalamka oo horay walaac uga muujisay sida ay wax u socdaan, ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan War Murtiyeed kale.

Hadalsame Media