DAAWO: Nin qorile ah oo dhaawacay 6 askari oo Booliis ah

0

(Philadelphia, PA) 15 Agoosto 2019 – Ugu yaraan 6 sarkaal oo Booliis ah ayaa la toogtey kaddib markii uu nin qorile ihi rasaas oodda kaga qaaday booliiska oo ku sugnaa magaalada Philadelphia.

Nin ayaa iminka ku jira guri lagu hareereeysan yahay, balse wuxuu weli qufayaa rasaas nool, halka mid kale la sheegay in gacanta lagu dhigay.

Dhacdadan ayaa bilaabatay saacadda maxalliga ah ee Maraykanku, gaar ahaan magaaladani markii ay abbaaraysey 4:30 pm dhanka xaafadda Nicetown-Tioga.

Booliiska ayaa ka jawaabayay wicitaan ku saabsan “howlo daroogo la xiriira,” sida uu sheegay Gaashaanle ka tirsan Booliiska Philadelphia, Sekou Kinebrew.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa la sheegay in rasaasta lagala helay madaxa, balse waa miirran yahay weli. Laba sarkaal oo kale ayaa gacmaha ka dhaawacan, balse kulligood haatan waa laga soo saaray isbitaalka.

Hadalsame Media