Wadaadkii xabsiga ku ciqaabnaa ee caashaqu taabtay!! (Qaybtii 1-aad)

0

(Qaahira) 14 Agoosto 2019 – Sannadkii 1954-kii ayaa waxaa maxkamad dalka Masar ku taalla la hor keenay Sarkaal Duuliye Dayuuradeed ahaa oo magaciisa la yiraahdo Maxamed Cali Al-shanaawi waxaana lagu soo eedeeyay in uu isku dayay rididda diyaarad Madaxweynahii hore ee dalka Masar Jamaal Cabdi Naasir uu ugu safrayay Degmada Aswaan oo uu isagu duuliye ka ahaa.

Dil baa lagu xukumay, hasa-yeeshee markii dambe ayaa laga fududeeyay, looguna beddelay xabsi daa’in. Al-shanaawi waxa uu xilligaas inta aan la xirin u joogtey gabar yar oo uu dhaley hal sano iyo barna jirta.

Jeelkii ama xabsigii lagu xirey Al-shanaawi waxa isaguna ku xirnaa nin dhallinyaro ah oo la oran jiray Maxamed. Denbiga uu Maxamed ku eedaysnaa waxa uu ahaa in uu ka tirsan yahay ururka “Ikhwaanul Muslimiin” ee dalka Masar ka jiray, imikana ka jira. Maxamed waxaa uu guddoomiye (Dean) ka ahaa kulliyadda Caafimaadka xoolaha ee jaamacadda Asyuud.

Shaqadiisii jaamacadda waa laga joojiyay, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah. Rag badan oo ka tirsaanaa ururka “Ikhwaanul Muslimiinka” ayaa la la xirey. Raggaas waxa ugu magac waynaa Sayid Qudub. Jeelka rag baa loo dhisay, waxaase xarigga u dheeraa: garaacid, jeedal, jir-dil iyo af-lagaaddo. Ey bahalawday oo jeelka joogtay baa har iyo habeen lagu diri jiray. Miciyo seef ah iyo ciddiyo dhaadheer bay cadka ka dusiyaan oo lafta ku qotomiyaan.

Xanuunka iyo ciqaabta arxan-darrada ah waxa uu kaga samri jiray in uu dar Illaahay u maray. Habeenna u muu nuglaanin nabarradii ku dhacayay. Mar kasta oo ciqaab kulul la mariyoba waxa uu u qayshan jiray oo gurmad iyo gargaarba weydiisan jiray Illaahay, iyaguna waxa ay ugu jawaabi jireen erayo jir-dilka iyo nabarradaba kaga xanuun badnaa.

Waxay ku oran jireen “Illaaha aad sheegaysaa haddii uu soo dego, waannu xiri oo weliba sidaadan oo kale u garaaci doonnaa, waxna kuu qaban maayo”, Subxaanka! Ereyadaasi waxay ahaayeen kuwo dab kaga kululaa, dhib kastana kaga darnaa.

Gaal ha joogee, waa erayo halaag ah kolka ay qof Muslin sheeganaya afkiisa ka soo baxaan. Waa ciqaab nafeed oo caqiidadiisa lagu hor aflagaaddeeyay. Eraydani waxba kama sokeeyaan weerihii gefka ahaa ee Fircoon.

Maxamed, jir ahaan iyo jaah ahaanba wuu is beddelay. Maxamedkan aan ka sheekaynayaa, waa Maxamedkee? Ma Maxamed Mursi baa? Ma Maxamed Qudub baa? Maya. Waa Maxamed Badiic. Oo waagii dambe noqon doona Murshidka Guud ee ururka “Ikhwaanul Muslimiinka”. Waa Murshidkii guud ee ururka ilaa xilligii Maxamed Mursi madaxweynaha noqday. Kolkii xukuumaddii la soo doortay ee Mursi la af-gembiyay ayaa la xirey, oo hadda isaga iyo Maxamed Mursiba allaha u naxariistee way wada xiranaayeen. Dil baa lagu xukumay, hase yeeshee xabsi daa’in ayaa loogu bedalay.

Sannadku waa 1974-kii. Inantii ama gabadhii yarayd ee uu dhalay Al-shanaawi ee uu ka yimi iyada oo naaska jaqaysa, waa tan iyada oo 21 jir ah jeelkii timid. Waa gashaanti aan isha gayaankeedu il-biriqsi ka jeesanayn. Askartii jeelka iyo maxaabiistuba si waalan bay ugu soo maqan yihiin.

Intooda badan iimaan la’aan baa wadda oo si anshaxa ka baxsan bay indhaha ugu fogeynayaan. Aabbaheed bay soo booqatay, kolkii ay cabbaar la joogtayna way ka laabatay, iyada oo wajigii aabbaheed ku soo indho-kuulatay isaguna uu ku indho-doogsaday.

Dhanka kale, waxa ay ka niyad xumaatay nolosha aabbaheed ku jiro iyo sida uu jismigiisu isu dhalan rogay, isaguna waxa uu ku farxay sida ay inantiisi u weynaatay iyo sida aanay dayac u arag. Waa laba dareen oo dhanna iskaga mid ah, dhanka kalena ku kala geddisan.

Maxamed Badiic wuu arkayay in saaxiibkii gabadhi u timid. Waa uu la socday sida edaabta iyo anshaxa leh ee ay u socotay ama u hadlaysay. Quruxdeedii guud ka muu indho la’ayn kamana ay qarsoonayn. Wallow aanu sidii kuwii hore daymo daneysi ah iyo qalbi wasakhaysan ku fiirinin, haddana wuu u bogay.

Weligii gabadhi sidaas oo kale maskaxdiisa u ma ay dhex mushaaxin oo maankiisa may qabsan, ha yeeshee, maanta jaceyl maqiiqan baa dhex muquurtay oo qalbigiisa ku libdhay.

Garay in inanta uu saaxiibkii dhalay oo ay soo booqatay. Haddii aynnu dareenkiisa dhex galno, ma laga yaabaa in uu hoos ugu gunuunucayay erayo af Carabi ah oo xagga macnaha maansadan hoose shaabaha.

Dhal wadaad la moodyeey,
Indhahaa ku dhaygagay,
Dhabannada hillaaciyo,
Dhoolla-ka-qosolkaagee,
Dhaqaaq-joogsigaygaa,
Dhallaanku ila yaabaa.

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad ee dhacdadan la soco qeybta labaad oo aad u xiiso badan insha alah.

La soco qayb kale…

Qalinkii: Aadan Daahir Cabdullaahi

Hadalsame Media