Maraykanka & Daalibaan oo qarka u saaran inay heshiiyaan (Shaki laga muujinayo hal arrin)

0

(Dooxa) 14 Agoosto 2019 – Kaddib bilo wada xaajood ah, Maraykanka iyo Daalibaan ayaa qarka u saaran inay heshiis gaaraan, sida ay labada dhinacba muujiyeen. Labada dhinac ayaa ku xaajoonayay dalka Qadar.

Waxaa natiijada la dhowrayaa todobaadyada yar ee soo aaddan ama kaba dhow, iyadoo la sheegay in loosii dhowaanayo tibxaha dhabta ah ee heshiiska.

Xitaa heshiis qabyo ah ayaa lagu tilmaamay mid wax wayn bedeli kara, taasoo soo afjaraysa dagaalka ugu dheer ee uu Maraykanku ka wado Afghanistan.

Dagaalkan ayaa qiiqayay 18 sanadood, waxaana ku naf waayay boqollaal kun oo dad ah iyo in ka badan 3,500 oo ah askar Ameerikaan ah iyo wax iyaga la olog ah, waxaana ku baxay balaayiin doollar.

MW Trump ayaa la sheegay inuu arrintan u adeegsanayo ololaha doorasho ee soo aaddan ee 2020, isagoo doonaya inuu ku faano soo ”afjaridda dagaal ma dhamaade ah.”

Yeelkeede, waxay doodi ka joogtaa in uu heshiiskani mira nabadeed oo guud u dhali karo Afghanistan oo ay is fahmi karaan dowladda iyo kooxda xag-jirka ah ee Daalibaan, haddii kale wuxuu uun iska noqon doonaa heshiis ka bixitaan ee mid nabadeed ma aha, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha siyaasadda iyo amaanku.

Kooxo badan oo dunida Muslimka ka kacay 50-kii sanadood ee ugu dambeeyay, ayay qaar badani ku dambeeyeen inay kaliya madaxa u dhigaan dalalka dunida Muslimka, inay u sahlaan in si dadban loo qabsado oo loo gumaysto iyo inay iska wadaan dagaallo aan ujeeddo muuqata iyo hadaf cad lahayn sidaa darteedna aan mira dhal ahayn.

Dalka Somalia ayaa ka mid ah meelaha ay ka qiiqayaan halaagga ay sababeen dagaalladan dad layska ah, balse aan wax kale laga macaashin.

Hadalsame Media