Kenya oo Soomaalida musaafurka ah kula dhaqmaysa arrin aan sharci ahayn! (Arag caddaynta)

0

(Nairobi) 13 Agoosto 2019 – Wareegto bishii Maajo kasoo baxday Wakaaladda Duullimaadyada Rayidka ah ee Kenya (KCAA), ayaa lagu hakiyay duullimaadyadii tooska ahaa ee isku xirayay Muqdisho-Nairobi.

Yeelkeede, hakintaas ayaa ku ekayd 9-kii bishan Agoosto, balse dayuuradihii ayaa weli sii maraya Wajeer, iyadoo aanu jirin war kale oo kasoo baxay dhanka Kenya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Duullimaadyada Rayidka Somalia (SCA).

Warqaddii hore ee kasoo baxday dhanka Kenya ayaa ku taariikhaysnayd inay hakintu bilaabanayso 9-kii Maajo, soconaysana ilaa 9-ka Agoosto, iyadoo ay Kenya xilligaa tillaabadeeda u sababaysay arrimo amaan.

DF Somalia ayaa se ku tilmaantay mid ay ”siyaasadi dabada ka riixayso”, iyadoo uu xiriirka labada dal aanu sidaa u fiicnayn, iyadoo ay Kenya bishii Maarso mar qur cayrisay Danjiraha Somalia ee Kenya.

Kenya ayaa Somalia u guul guulaysa arrin ay dadka waxgaradka ihi ku micneeyeen ”ku qabso ku qadi mayside”, taasoo la xiriirta muran badeed ay sheegtay inuu Somalia kala dhexeeyo, kaasoo ay bisha soo aaddan go’aaminayso Maxkamadda ICJ ee magaalada Hague, oo ay dacwaddu hor taallo tan iyo 2014-kii.

Hadalsame Media