CASHARKA NOLOSHA: Maxaad qofka ku doorataa dookh ahaan?!

0

(Hadalsame) 12 Agoosto 2019 – Fadlan qisadan dhammaantiin aad iila dhuuxa. Wiil baa hadda ka hor gabar wadda uga horyimid markuus buu ku yiri , gabar yahay aad ayaad u qurux badan tahay , waxaana doonayaa in aan ku guursado.!!!!

Markaas bay gabadhii ku tiri gadaashaada eeg oo arag gabadha saaxiibtey ah ee iga quruxda badan .!!!

Wiilkii gadaal ayuu eegay qofna ma’uusan arag , waxa uuna ku yiri qofna majoogo ee aaway qofka aad iitilmaamtay.?

Waxa ay ku tiri haddii aan qurux badanahay waa maxay qofka iga quruxda badan ee aad gadaasheyda ka raadineeyso…?

Gabar yahay ku farax oo guurso wiilka aan quruxdaada kugu raacin , ee dooqo kan akhlaakhdaada ay qancisay.

Wilyahow adigana halbeeggaaga haka dhigin qurux ee diin iyo akhlaaq ku xulo gabadha aad guursaneyso.

Ogowna in ALLAAH uu caadil yahay oo uusan qurux la’aan abuurin gabar walbaa , laakin quruxdaasi uusan qof walba arki karin.!!!

Dooqaagu hanoqdo “الجمال الدا خلي” Quruxda gudaha ah , maxaa yeelay iyada ayaa waarta wixii ka soo harana waa guuraan ama dhammaadaan

Ku dooro guurkaaga diin iyo akhlaaq.

Farrintaan waxaa si wada jir ah idin kugu soo gudbinaya aniga iyo qoyskeeyga oo idin leh Ciid wanaagsan.

W/D: Aways Xasan Maxamed

Hadalsame Media