In ka badan 2 milyan oo Xaaji oo taagan Buurta Carrafaat (Wax kasta oo aad uga baahan tahay Xajka)

0

(Maka) 10 Agoosto 2019 – In ka badan 2 milyan oo xaaji ayaa maanta oo Sabti ah taagan Buurta Carrafaat, kaddib markii ay habeenkooda ku qaateen Mina.

Xujeeyda ayaa Buurta Carrafaat saaka usoo kallahay, iyagoo adeegsanaya gaadiid ay ka mid yihiin tareennada Masher iyo basas qaboojiyaal leh, halka qaarkood ay go’aansadeen inay masaafada u dhaxaysa labada meelood oo 9 KM ah cag ku maraan.

Carafaat ayay joogi doonaan ilaa qorrax dhaca, waxayna markaa kaddib aadi doonaan dhanka  Muzdalifah oo ay ku oogi doonaan Maqribka iyo Cishaha, halkaas ayayna ka tegi doonaan saqda dhexe oo ay aadi doonaan dhagax tuurka Mina ee Jamrat Al-Aqaba (dhagxinta Shaydaanka), waxay birayn doonaan xoolaha Udxiyada kaddibna way xiiran doonaan, iyadoo dharka bedelan doona. Markaa kaddib qaar badan baa aadi doona Dhanka Masjidka Wayn si ay u sameeyaan Dawaafka (Tawaf Al-Ifada).

Xujeeyda ayaa sii jooga doona Mina maalmaha Axadda ilaa Isniinta. Talaadadii qaarka deg degsani waxay aadi doonaan Maka si ay Xajka u dhamaystiraan, halka qaar kale ay sii joogayaan Mina ilaa Arbacada.

Sida uu sheegay Amiirka Maka, Khaled Al-Faisal, kaasoo sidoo kale ah Guddoonka Guddiga Xajka (CHC), waxaa sanadkan Xajka yimi 2,091,471 xujeey, kuwaasoo ay ku jiraan 1,855,407, oo ka yimid bannaanka, halka 200,360 ay ka socdaan gudaha Sucuudiga.

Ilaa 350,000 oo iskugu jira ciidamo iyo dad madani ah, oo ay ka mid yihiin 4,000 oo mudawac, ayaa ka qayb qaadanaya agaasinka, adeegga iyo amaan sugista Xajka.

Waxay adeegsanayaan agabyo kala geddisan oo gaaraya 62,000, 7,727 gaadiid ah, 2,640 mooto iyo 5,337 kombiyuutar.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Xajka & Cumradu, waxaa adeegga ka qayb qaatay 49 shirkadood oo kuwa gaadiidka ah, kuwaasoo isu gayn ahaan isu keenay 18,500 bas oo qaadaya xujeeyda.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media