DEG DEG: Weerar ka dhacay masjid ku yaala magaalada Oslo (Xog dheeraad ah oo soo baxday)

0

(Oslo) 10 Agoosto 2019 – War deg deg ah oo haatan nasoo gaaraya ayaa sheegaya in uu weerar ka dhacay masjid ku yaalla Oslo, caasimadda Norway.

Ilaa haatan waxaa la soo sheegayaa inay xabado dheceen, booliiskuna ay qof qabteen.

Ninka la qabtay ayaa la sheegay inuu dhaawacay qof masjidka ku cibaadaysanayay, welina lama sheegin ujeedka weerarka.

Masjidka la weeraray waa al-Noor Islamic Centre, waxaana weerarka qaaday “wiil caddaan ah oo da’yar,” kaasoo masjidka inta galay kaddibna rasaas furay, sida uu sheegeen Booliiska Norway.

Booliis badan oo wata gaadiid gaar ah oo loogu tala galay xaaladaha deg degga ah ayaa goobta haatan buuxa, waxaana dul heehaabaya dayuuradaha qumaatiga u kaca ee Booliiska.

Warar dheeraad ah halkan kala soco…

Hadalsame Media