Wax kasta oo aad uga baahan tahay xujeeyda gaartey magaalada Maka

0

(Maka) 08 Agoosto 2019 – 1.8 Milyan in ka badan oo Xujjey ah ayaa soo gaaray magaalada Makkah ee barakaysan, waxaana la filayaa in ay Xujeyda sanadkan tiradoodu ay gaarto 2 milyan.

Waxaa sidoo kale loo diiday in Maka ay soo galaan sanadkaan 329,000, kuwaas oo la sheegay in ay doonayeen in si qalad ah ay ku galaan magaalada Maka.

Sanadkaan waxaa cabsi wayn laga muujinayaa cimilada Sacuudiga oo aad u kulul, waxaana dowladda Sacuudigu ay balan qaaday in dadaal badan ay ku bixin doonto dhinaca adeegga xujeyda.

Xujeyda ilaa hadda la sheegay in ay ku geeriyootay Makka waxaa tiradooda lagu sheegay in ay gaarayaan in ka badan 60 Xaaji oo 29 ka mid ah ay u dhasheen Bangladesh, kuwaas oo siyaabo gooni gooni ah u geeriyooday.

Xujeyda ayaa berri oo Jimco ah galinka dambe u guuraya Mina insha alah halkaas oo sabtida ay uga sii dhaqaajin doonaan Carafa.

Xujeyda Soomaalida ee sanadkan ka qayb qaadanaysa gudashada waa jibka Xajjka ayaa iskuwada dar daarmaya in qof kasta dalkii u soo duceeyo.

Alle hanaga wada aqbalo Xajjka oo aan is wada cafino insha alah. Allena aan ka tuugno dhibaatada gacmaheena aan ku kasbanay in uu naga saaro.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Salaad

Hadalsame Media