HESHIIS DHACAY: Romelu Lukaku oo ugu dambayn ogolaaday inuu aado kooxda Inter Milan (Laacibka oo soo degey)

0

(Milano) 07 Agoosto 2019 – Kooxda Inter Milan ayaa ugu dambayntii ogolaatay inay bixiso khidmo dhan €80m oo euro, si ay usoo qaadato qannaaska Manchester United ee Romelu Lukaku.

Ilo wareedyo badan sida Sky Sport Italia, Gianluca Di Marzio, Fabrizio Romano, Tuttomercatoweb, Sportmediaset iyo Calciomercato.com, ayaa iskaga marag kacaya in  Lukaku uu ku biirayo kooxda Inter.

Waxa harayna waa rasmiyaynta heshiiska iyo kala saxiixashadiisa, iyadoo uu weliba Gazzetta dello Sport cayimayo in uu laacibka reer Belgium saxiixi doono qandaraas 5 sanadood ah oo uu midkiiba ku qaadanayo €7.5m oo euro iyo bareemiyo, kaasoo ku eg Juun 2014.

Sky Sport Italia ayaa sheegaya in Nerazzurri ay khasiri doonto €65m oo lagu daray €13m oo bareemiyo ah, halka United ay sidoo kale boqolleey ku yeelan doonto haddii lacalla laacibka dib loo iibiyo mustaqbalka.

Dhanka kale, Tuttomercatoweb ayaa sheegaya in heshiisku uu yahay €70m + €13m halka Calciomercato uu qabo inay tahay €80m iyo bareemiyo.

Laacibka ayaa durba yimid magaalada Milano, Talyaaniga si uu caafimaadka ugu maro kooxdiisa cusub ee Inter oo xagaaga oo idil raadkiisa daba socotey.

Hadalsame Media