NAF-HURID: Dhacdo qalbiga taabanaysa oo uu ka qiseeyay maadyahankii Charlie Chaplin!!

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2019 – Charlie Chaplin oo ahaa aktar dadka kaga qosliya filimaanta shibban ayaa ka sheekeeyay mid ka mid qisooyinka noloshiisa. Wuxuu yiri ” maalin baan aabahay u raacay howlka indhasarcaadka lagu dhigo si aan u soo daawado bandhig aad loo xiisaynayay.

Markii aan ku jirnay safkii tikadha laga jaranayay waxaa naga horreeyay hooyo iyo aabbe ay la socdaan shan carruur ah. Reerkaan inkasta oo ay farxad badani ka muuqato oo ay ilmahooduna aad u dhoollacadaynayaan haddana dharka ay xiranyihiin baa laga dareemayaa faqriga iyo wax la’aanta ay ku jiraan.

Jeerkii ninkii tikidka iibinayay uu aabihii u sheegay qiimaha lacagta laga rabo ayuu aabihii safkii gadaal uga baxay isaga oo xaaskiisii dhegta wax ugu sheegaya. Aad baan uga murugooday runtii, balse waxaan la yaabay markii aabahay uu inta dhulka ku tuuray lacag uu isagu watay uu ninkii ku yiri ” lacagtaan ayaa kaa dhacday”.

Ninkii wuxuu qaatay lacagtii, isaga iyo ilmihiisiina waxay galeen bandhiggii, halka aan aniga iyo aabahay xaafaddii iskaga laabannay maxaayeelay lacag kale ma uusan haynin aabbe.

Sababta uu u yiri lacagtaan adiga ayay kaa dhacday waxay ahayd in uu ilaaliyo dareenka xaaskiisa iyo carruurtiisa oo uusan hortooda ku ihaanaynin!

Habeenkaas waxaan arkay indhasarcaadkii ugu qurxanaa ee aan noloshayda daawado”.

Waxaa Diyaariyay: Akhwaan Xasan Jidhi

Hadalsame Media