DHEGEYSO: Warbixin ku saabsan ciyaartii shalay ee Liverpool vs Man City (Tebintii Xaaji)

0

(London) 05 Agoosto 2019 – Waxaa shalay oodda laga qaaday fasal-ciyaareedka EPL ee 2019-20 oo bilaabmaya Jimcaha soo aaddan, markii ay ay foodda is dareen kooxaha reer woqooyiga ah ee Manchester City iyo Liverpool oo isku arkay dufcaddii 97-aad ee koobka FA Community Shield oo ka dhacay magaalada London ee koonfurta Ingiriiska.

Manchester City iyo Liverpool ayaa soo nooleeyay cadaawadddii ciyaareed ee sanadaha badan dhex taalley, iyadoo ay kooxiba hollinaysay inay hanato koobka Community Shield oo yaallay barxadda Wembley Stadium maalintii shalaytoole.

Koobkan ayaa loo dhigaa kooxaha kala sita billadaha Premier League iyo FA Cup. Balse maadaama ay Manchester City wixiiba isku fuuqsatay, waxaa hardanka la gashay kooxda Liverpool oo final-ka la timid.

Haddana hoos ka dhegeyso warbixin uu arrintaa ka  diyaariyay Maxamed Xaaji

Hadalsame Media