”Waa ka noolaan karaa!” – Qiso ka dhacday Arjantiin & waxa aad ka baran karto!

0

(Hadalsame) 31 Luulyo 2019 – Wiil u dhashay dalka Arjantiin ayaa galay dukaan lagu iibiyo Ukun markii sallad ukun ah uu soo dajistay ayaa milkiilihii ku war galiyay in qiimihii hore wax iska badaleen oo uu qiimo ku darsamay!!!

Isaga oo aan erey dhihin ayuu ku celiyay Ukunta halkii uu ka soo qaaday, deetana yiri “Laaanteed waa noolaan karaa!!”

Qiime kororkaasi waxaa sidaasi oo kale iska diiday dhamaan shacabka oo yiri ”Ukun la’aanteed waa noolaan karnaa..!!!”

Shirkadihii ukunta u qaybin jiray dukaamada magaaladaasi ayay farrintii gaartay, waxa ayna madaxda shirkadaha ukunta ka macaashaa isku raaceen in aan dhag jalaq loo siinin oo laba maalmood kaddib ay sandullo ku noqon doonto shacabka in ay u hogaansamaan qiima kororka lagu sameeyay ukunta, laakiin la mood noqon se weyday.

Dukaamadii waxa ay iska diideen in ukun loo soo dajiyo oo waxa ay ku war geliyeen shirkadaha ukunta in cid ukuntii hore ka iibsata la la’yahay…!!!

Ugu dambeyn madaxda shirkadaha ukunta ayaa kulan deg deg ah isugu yimid waxa ayna soo saareen qodobbo ay ka mid yihiin:

1 – In raalli gelin la siiyo shacabka

2 – In qiimaha ukunta laga hoos mariyo kii ay ku iibsan jireen.

Bal kabaha ugu jira shacabka dalka Arjantiin nagu jimeeya, tolow ma nala egyihiin?!!!

Allow hanaga dhigin shacab xaalkiisu yahay ”lax dhukan col iyo abaar moog.!!!  Aamin.

Waxaa Qoray: Aways Xasan Maxamed

Hadalsame Media