DHEGEYSO: ”Markabkiinnii anigaa hadda haysta ee ha isku soo gelin!” – Codad ay is dhaafsanayaan Ciidamada Badda Iiraan & UK oo la helay!

0

(Hormuus) 29 Luulyo 2019 – Waxaa la helay cod sir ah oo muujinaya Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga Iiraan (IRGC) oo u gooddinaya maraakiiibta dagaal ee Britain, xilligii ay markabka shidaal qaadka ah ee uu dalkaasi leeyahay ay ku qabsanayeen Marinka cariiriga ah ee Hormuus.

Codkan oo ay faafisay wakaaladda Tasnim News Agency, ayaa waxaa ka muuqda dhiidhaa ay is dhaafsanayaan labada dhinac, kuwaasoo ah laba shil oo kala gaar ah oo dhacay horraantii bishan Luulyo.

Xiisaha labada nidaam ee Tehraan iyo London ayaa cirka isku shareeray 4-tii Luulyo kaddib markii ay Britain qabsatay markabka shidaalka qaada ee Grace 1, oo ay ka heleen xeebaha koonfureed ee Spain, kaasoo ay sheegeen inuu saliid u wadey dalka Suuriya.

Yeelkeede, Iiraan oo taa ka dabaaqaysa ayaa 11-kii Luulyo iyaduna Britain ka qabsan gaartey markabka British Heritage, iyadoo uu sibiq uga soo gaarey markabka dagaal ee HMS Montrose, taasoo ay Iiraan beenisay.

Ha yeeshee, codka ayaa waxaa laga maqlayaa sarkaal ka tirsan IRGC oo markabka dagaal ee British-ka ah oo uu ku sheegayo F-236 oo ah lambarka Montrose, uga digaya inuu soo farageliyo xaaladda.

“Markabka British Heritage anigaa gacanta ku haya. Waxaa lagugu amrayaa inaadan soo fara gelin howlgalkayga,” ayuu leeyahay taliyaha Iiraaniga ah.

Iiraan ayaa ugu dambayn 19-kii Luulyo gacanta ku dhigtay markab Britain leedahay oo la yiraahdo Stena Impero oo ay ka qabsatay isla Marinka Hormuus, kaasoo ay sheegeen inuu kusoo xad-gudbey biyaha maxalliga ah ee Iiraan.

Halkan ka dhegeyso codka….


Hadalsame Media