BADMAAXII XARYANKU LA DEGEY: Sheeko aad ka baran karo erayo badeed badan (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2019 – 2000 MKH ayaa dalka Masar waxa ka talin jiray Fircoon Amen En Xet, waagaas oo ay dalkiisa hareereeyeen colaado sokeeyeye iyo shuftooyin aan waxba xeerin jirin, wuxuse ku guuleystay inuu soo afjaro coladahaas dalkiisana ku soo dabbaalo nabad iyo baraare. Muddadii uu talada hayey ayaa geddisleydu iyaga oo ay u raranyihiin sinjaarro waxay dhoof biima ahaa ku tageen koofurta Masar, webiga Niil, Badda Cas ilaa Badweynta Hindiya iyo dhulkii ashqaraarka ee Bunt, waxayna dib u soo raran jireen dhulmanka lagu diimo, xabkaha udugga, xawaash iyo kinsi kale.

Xarunta Boqortooyada oo ahayd Tebis ama Memfis waxa soo buuxdhaafiyey naakhuudayaasha iyo sinjaarradda oo mid walba rabo inuu sheekadiisa ashqaraarka leh la wadaago Fircoonka, mid walbana wuxu u jeelqabaa inuu helo dallacaad ka dibna uu hoggaamiye ka noqdo socdaallada biimada ah ee boqorku hantigelinayo, taas oo ku xiran waaya aragnimadooda.

Maalin ayaa taliyaha sare ee ilaalada kuudda xarunta Tebis waxa u yimi raggaas damaaciga ah nin ka mid ahaa, kuna yiri sarreeyow in yar i dhegeyso “ Waxan u wadaa Fircoonka deeqo mar la arag ah, mana illaawin la taliyayaashiisa sidaada oo kale, waxan kaaga sheekeynayaa dhoofkaygii biimada iyo ashqaraarka lahaa oo aan hore loogu sheegin Fircoonka, nolol, fayoobi iyo awoodba ha helee, hubaal inuu kuu abaalgudi doono marka aad ii geyso oo aan u sheego sheekadayda biimada ah, Waxan tegey jasiiradda ashqaraarka oo koofur koofur ka sii ah, koofur ka sii ah Nuubiya, koofur ka sii ah Itoobiya, waxan kaa tuugaya inaad Fiircoonka u sheegtid in aan halkaan joogo diyaarna aan u ahay inaan u sheego sheekadayda.”

Sarreeyihii oo hore ay u soo mareen codsiyadaas oo kale ayaa si dareen leh markuu u dhegeystay damaacigaan wuxu yiri “Waxay iila muuqataa inaad si sanbacnimo ah u hadleyso oo aad ka maran tahay wax nuxur leh oo la sheego, rag badan oo aad ka mid tahay ayaa u haysta in sheekadoodu u keeneyso in ay ku guuleystaan abaalmarinta Fircoonka, jirtoose markey tebiyaan sheekadooda ayey iyagu isla afkooda isku cambaareeyaan. haddii ay tahay waxa aad sheegayso wax la mid ah kuwaas, hubaal anaa kuudda dibadda kaaga tuuraya kuna burinaya, haddiise ay tahay mid xiisa leh oo cuddoon waa laga yaabaa inaan Fircoonka ku horgeeyo, sidaas darteed waa hadli kartaa adoo og halista ka imaan karta hadalkaaga, haddii kale iska aamus anna ha i dhibin.”

“Waxan hayaa sheeko yaab leh” Damacigii ayaa yiri “Markaad maqasho waxay dejineysaa caradaada, waxad iga baryi doontaa inaan sheekadaan ka sheego hortiisa sarreeyaha Fircoon Amen En Xet ee aduunka ka taliya ee i dhegeyso”
“Annaga oo seebineyna xaryaan aad u weyn oo ay seebinayaan 150 badmaax kuwaas oo dhul iyo cirba arkay, wadnayaashooduna kan libaaxyada ka dhiirran yihiin ayaan waxan dhoof u aadnay godadka macdanta laga qoto ee Fircoonka. Xaryankii wuxu dhaafay Badda Cas una gudbay Badweynta shishe”

Waa socotaa….

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Cabdullaahi Jaamac

Hadalsame Media