Wefdi ka socda in ka badan 20 dal & hay’ado caalami ah oo berri ku wajahan Dhuusamareeb (Ujeedka)

0

(Dhuusamareeb) 21 Luulyo 2019 – Wefdi ballaaran oo ka socda Beesha Caalamka ayaa berri tegaya meelo ka tirsan degaannada maamulka Galmudug.

Sida uu Hadalsame ka helayo Dhuusamareeb, wefdigan ayaa metelaya in ka badan 20 dowladood iyo Ururo caalami ah, sida dalalka Maraykanka, UK, Sweden, Norway, Turkiga, Qatar, Holland, Jabuuti, Ethiopia, Germany, Italia, Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Afrika iyo Heyado kale oo caalami ah.

Waxaa wefdigan halkaa kula ballamay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Xasan Cali Khayrre oo haatan muddo ku sugan degaannada Galmudug, si halkaa looga dhiso maamul isku xiran oo shaqaynaya, sida uu yiri.

Wefdigan ayaa RW Khayrre iyo madaxda Galmudug lasoo qaadaya waxyaabo ay ka mid yihiin waxyaabaha kusoo wajahan maamulka Galmudug sida doorashada, dib uheshiisiinta, ciidamada la isku dhafay ee howlgalay iyo kuwa tababarka looga furayo xerada ciidamada Guriceel, gaar ahaan xerada Har-qaboobe loo yaqaanno.

Hadalsame Media