Quruxda midowgii Koonfur & Woqooyi waxaad ka dheehan kartaa fanka Soomaaliyeed (Qayb kasta meel ayay ku fiicnayd)

0

(Hadalsame) 21 Luulyo 2019 – Marka aad hoos u eegto is dhex-galkii dhaqanka Soomaalida ee woqooyiga iyo koonfurta, waxay kor u qaadday suugaanta Soomaaliyeed marka si cilmiyeeysan loo baaro.

Koonfurtu waxay gaar u leedahay muusigga iyo naaxiyadda, taasoo ka imaaneeysa ama salka ku haysa xadaarada dadka beeraleeyda ah iyo xeebaha, taas waxaa cadayn u ah dadka xeebaha dega iyo beeraleeydu waxay ku cayaaraan qalab muusig sida gurbaanka, shareerada, shablaha iyo kuwa badan oo la mid ah, balse dadka xoolo dhaqatada ah cayaartoodu ma laha muusig e waa sacab.

Marka aad eegto dhaqanka waqooyiga wuxuu sameeyay abwaano sugaantoodu aad u heer sarreeyso, taasoo suugaantii Soomaalida ka dhigtay mid ilaa hada nool.

Tusaale, heesaha Soomaalida ugu macaan qaarkood waxaa leh abwaano reer waqooyi ah, lakiin heesahaas waxaa muusigga iyo naaxiyadaba saaray mullaxamiin iyo muusiiistayaal reer koonfur ah waxaana qaaday fanaaninta koonfurta, taasoo heesahii ka dhigtay mid ilaa iyo hada aan la gaari karin oo ay adag tahay in la helo heeso la mid ah.

Kala fikir duwanaashaha siyaasadeed waxay hoos u dhigtay sugaantii, taas waxay ku tuseeysaa in dadka waqooyi iyo koonfur ay isku baahan yihiin dhankasta oo aad ka eegto.

Waxaan rajeeynayaaa In Soomaalidu ay midoowdo, heshiiso, is cafiso si ay mustaqbal wanaagsan ugu sameeyaan jiilka dambe ee Soomaaliyeed ee barito.

Liibaantu waa ma is af garanaaa?

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media