Mashaariicda ay Qadar ka fulinayso Baydhabo oo aan helnay + Sawirro

0

(Baydhabo) 21 Luulyo 2019 – Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda Qadar, Xasan Binu Xamza.

Wefdigan ka socday Qadar waxay booqasho ku mareen goobo badan oo ka mid ah magaalada Baydhabo iyo xarumo kale oo ay ka fulinayaan dhowaan mashaariic kala duwan, waxaana ka mid ah iskuul ballaaran, Gegada Diyaaradaha ee Shaati-guduud iyo Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed.

Qadar iyo hay’adaheeda samafalka ayaa sheegay inay wax badan ka qabanayaan dib usoo kabashada Soomaaliya, iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay qalabeynta Ciidamada kala duwan ee Dalka.

Qadar oo sidoo kale mashaariic kale ka fulinaysa gobollada dalka, gaar ahaan Galmudug oo ay Deked wayn ka dhisayso ayaa sidoo kale dhisaysa jidka isku xira Muqdisho-Jowhar-Afgooye.

Dhismahan ayaa waxaa qandaraas ku qaadatay sharikad Turkiga laga leeyahay oo maalin dhowayd qalabka ay ku shaqaynayso kala soo degtey Dekedda Muqdisho halka ay maalgelinayso dowladda Qadar oo ku bixinaysa lacag gaaraysa 200m oo doollar.

Hadalsame Media