”Ilhaan Cumar waxay Maraykanka la timid ”aragtidii Faqashta!” – Nin ka mid ah cunsuriyiinta ugu waawayn Maraykanka oo….

0

(New York) 21 Luulyo 2019 – Nin ka mid ah dadka ugu fara dhuudhuuban cunsuriyiinta Maraykanka isla markaana iminka qabta barnaamij la yiraahdo America Talks LIVE, ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray sheeko niicda Soomaalida, taasoo muujinaysa in ninkaa cunsuriga ah ay Soomaali kale u sheeko xumeeyeen.

Wuxuu soo qoray: ”Waxaan la hadlayaa Soomaalida ku nool ee jecel qarankan: Waxay cashar iga siinayaan Ilhaan Cumar iyo aragtideeda ”faqasheed” oo nuxur ahaan ”Marxism Islaami ah. Ma doonayso inay umadda dhex gasho. Waxay doonaysaa inay Maraykanka u rogto dal Somalia oo kale ah. Naagtu waa halis.”


John Cardillo, oo mar ka mid ahaan jirey booliiska maxalliga ah ee gobolka New York ee NYPD oo uu ka fariistay 1990-kii, wuxuu haatan sheegtaa inuu yahay gayfane u dhaartay taageerada siyaasadda midigta fog oo ay badiyaa raacaan dadka muxaafidka ah, gaar ahaan kuwa cunsuriga ah, isagoo maareeya hay’ad wax falanqaysa.

Ninkan ayaa beri dhowayd aad loogu dhaliilay inuu Twitter soo dhigay sawir muujinaya isagoo bastoolad fiiqaya, isagoo sheegta inuu u taagan yahay ”daafaca hidda, dhaqanka iyo dhaxalka dadka caddaanka ah.”

Warka ninkani soo qoray iyo qaar ka mid ah qoraallada ka muuqda boggiisa Twitter-ka ayaa waxaa ka muuqata in ay dad Soomaali ihi ula tageen sheekooyinka qolqollada Soomaalida, taasoo muujinaysa han iyo xeerin yari baahsan iyo dad wax kasta magansanaya ama mudanaya iyagoo moodaya inay sidaa kusoo xasilinayaan qaddiyad gaar ah.

Hadalsame Media