DAAWO: ”Waxaa la igu haystaa maxaad dalkaaga u jeceshahay!” – Weriye sheegay inuu baacsanayo maamulka Puntland & sababta lagu haysto

0

(Garoowe) 21 Luulyo 2019 – Weriye ka mid suxufiyiinta ka howlgala Puntland oo magaciisa la yiraahdo Max’ed Cabdullaahi Darwiish ayaa sheegay inuu kasoo baxsaday saraakiil ka tirsan maamulka Puntland.

Darwiish ayaa sheegay in loo baacsanayo ”aragtidiisa oo u janjeerta dhanka dal jacaylka” sida uu sheegtay, wuxuuna tilmaamay in si gaar ah haatan loogu colaadinayo war uu 12-kii bishan soo dhigay boggiisa Facebook oo uu ku taageeray booqashadii uu RW Khayrre ku tegey woqooyiga Gaalkacyo.

Weriyahan ayaa hadda kahor waxaa xirey maamulkii Cabdiweli Gaas kaddib markii uu Facebook kusoo qoray ”in dalka Somalia uu leeyahay hal Madaxwayne.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka lagu haysto…

Hadalsame Media