SAWIRRO: Xiddigga Koobka Qaramada Afrika oo Milan kusoo wajahan (Maalinta uu imanayo)

0

(Milano) 20 Luulyo 2019 – Kaddib Rude Krunic, Theo Hernandez waxaa haatan AC Milan kusoo wajahan xiddigga Koobka Qaramada Afrika Ismael Bennacer.

Bin Naasir ayaa xalay isku qaatay 3 abaalmarin oo kala ah xidiggii tartanka, da’yarkii ugu fiicnaa iyo xidiggii garoonka, isagoo dhigay goolka madiga ah ee ay ku badiyeen Aljeeriya.

Milan oo horay ula heshiisey Empoli wuxuu laacibkani ku imanayaa 16 milyan oo euro iyo 2 bareemiyo ah, isagoo sanadkii qaadanaya 1.5 milyan oo euro muddo 5 sanadood ah.

GOORMA AYUU IMANAYAA? Sida ku qoran cadadkii maanta ee Tuttosport, wuxuu laacibku Milano kusoo beegan yahay bilowga todobaadka soo aaddan, gaar ahaan Isniin ama Talaado, si uu caafimaadka u maro qandaraaskana u saxiixo, isagoo kaddib fasax nasiino ah qaadan doona, si uu usoo laabto horraanta Agoosto.

 

Hadalsame Media