Qaamaha uu Shiinaha dunida ku leeyahay oo ka badan tan Bankiga Adduunka & IMF (Jabuuti oo ka wabaxdey & Somalia oo jerinaysa)

0

(Beijing) 20 Luulyo 2019 – Qaamaha uu Shiinuhu caalamka ku leeyahay oo bilowgii qarnigan 21-aad oo ahayd 2000 ku dhowaad eber ahaa ayaa haatan maraysa $700bilyan oo doollar.

Waxay taasi Shiinaha ka dhigaysaa dalka qaamaha ugu badan ku leh caalamka, isagoo laba jeer ka badan hay’aadka dhaqaalaha Galbeedka ee lagu naanayso Bretton Woods sida Baanka Adduunka iyo Hay’adda Lacagaha Adduunka IMF.

Daraasad cusub oo sameeyeen Sebastian Horn iyo Christoph Trebesch oo ka tirsan Mac’hadka dhaqaalaha ee Kiel Institute for the World Economy iyo Carmen Reinhart of Harvard University ayaa arrintan kashifaysa.

Waxay heleen in ku dhowaad kala bar lacagaha amaahda ah ee Shiinuhu ay ku maqan tahay dalalka nugul ee aan weli hormarin, isla markaana ay xogteedu ”qarsan tahay” ama aysan daah-furnay, taasoo ka dhigan inaysan galaangal la lahayn hay’aadka aannu kor kusoo xusnay.

Dalalka qaamaha ugu badan ee Shiinuhu farraqayo qaba waxaa kuwa ugu horreeya ka mid ah dalka Jabuuti oo ka qaba ballaayiin doollar, oo ah qaan dul saaran shacabka dalkaasi. Dal dal umay sheegin inta uu dal walbaahi qabo.

Somalia ayaa ka mid ah dalalka fara ku tiriska ah ee weli ka bed qabta qaamaha Shiinuhu ku raadinayo ”saamayn jilicsan” oo uu ku yeesho qaaradda maamul xumadu la degtey ee Afrika, balse waxay ka maqnaataaba waa inta looga ogolaanayo ee ma jiro qorshe diidmo ah oo u degsan.

Hadalsame Media