Kooxda qaadanaysa kharashka ugu badan ee ka qayb geleysa tartanka ICC?

0

(Roma) 20 Luulyo 2019 – Waxaa bilowday Horyaalka Kooxaha Adduunka ee ICC ee xagaaga la isku kululeeyo, kaasoo laakiin lacago laga helo, sida uu qorayo La Gazzetta dello Sport, waxaa xagaagan laga helayaa 30 milyan oo euro oo ay qaybsanayaan 12 kooxood oo tartanka ka qayb gelaya, iyadoo ay tirada guud tahay 18 naadi.

Kooxda lacagta ugu badan helaysa waa Juventus oo qaadanaysa 6 milyan oo euro, iyadoo qiimaynta ku heleeysa haysashada laacibka Cristiano Ronaldo.

AC Milan ayaa ku xigta waxayna jeebka gashanaysaa 3 milyan oo euro maadaama ay tahay koox maqaam ku leh adduunka kubadda cagta.

Inter Milan ayaa helaysa 2 milyan oo euro, taasoo la mid ah lacagta ay qaadanayso Fiorentina (oo lagu bedeley AS Roma). 

Kooxaha ka qayb qaadanaya ICC 2019 oo lagu kala qabanayo Maraykanka, Yurub iyo Aasiya ayaa lasoo xirayaa 10-ka Agoosto. 

FG: Wuxuu wargaysku soo qaatay kooxaha Talyaaniga oo qura.

Hadalsame Media