DHEGEYSO: ”Aaway konteenarkii lagu qabtay Dekedda?!” – DF Somalia oo lagu eedeeyay inaysan daacad ka ahayn amaanka

0

(Hadalsame) 20 Luulyo 2019 – Waxay qaraxyo ka dhacaan inta badan koonfurta Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ah xarunta dalka iyo dowladda.

Haddaba maxaa hor taagan in wax laga qabto? Yaa siiya tuutaha iyo saanadda ciidamada DF Somalia? Maxaa ka jira inay la shaqeeyaan ama la shaqaystaan dad ka tirsan DF? Aaway doorkii hay’aadka kala geddisan ee amaanka ku shaqada leh? Maxaa xog dambe looga waayaa ashkhaasta iyo alaabooyinka la qabto iyagoo qarax samayn lahaa sida konteenar beri dhexdaas ah la qabtay? Maxaa loo gudbin la’yahay sharciga argagixisada iwm?

Waxaa dood arrintaa ku saabsan oo ay VOA qabatay ka qayb qaadanaya Xil. Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Guddiga Amaanka, Xil. Maxamed Cumar Dalxa, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cali Macoow oo amaanka ku xeel dheer.

Hadalsame Media