DAAWO: ”Xooleheenna halloo iib geeyo Israel” – Somaliland

0

(Hargaysa) 20 Luulyo 2019 – Xil. Cabdulqaadir Maxamed Xasan Indha-indho oo ah Guddoonka Gudiga Arrimaha Dibedda ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa soo jeediyay in suuqyo cusub loo raadiyo xoolaha Somalilnd, sida uu yiri.

”Waxaannu soo jeedinney in wadamo badan oo reer Nabi Aadam ah oo Muslimiin iyo gaalaba leh xoolaha la geeyo ee aan Sucuudi uun la sugin.” ayuu yiri Xildhibaanku.

Wuxuu soo jeediyay in xoolaha loo dhoofiyo dalal ay ka mid yihiin Masar, Malaysiya iyo xit dowladda Yuhuudda oo uu sheegay inay ”jecel yihiin xooleheenna”.

Ninkan ayaa sheegay in haddii dalalkaa xoolaha loo iib geeyo aanay Somalia xag-xagan karin, isagoo aan faahfaahinin ama sharrixin sababta.

Hadalsame Media