BK: ”Haddii ay ragannimo jirto RAALLI GELIN bay kaa mudan yihiin reer Muqdisho!”

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2019 – Maxamed BK mahaysid caddeyn muujinaysa in soomaalida koonfureed carqaladeysay bandhig faneedkaagii Nairobi. Hadaad hayso nala wadaag oo hebel iyo koox hebel oo reer Koonfureed ah ayaa carqaladeeyey ina dheh.

waxaasi waxay ahaayeen ku tirikuteen aan sal iyo raad toona lahayn oo suuqa la galiyay, inta ma hubsatada ah ee seef laboodka ahina weyneeyeen, buunbuuniyeen si ay nacaybka iyo kala fogaanshaha Soomaalida ee ay ugu caano badiso u xoojiyaan.

Majirto meel soomaalida koonfureedi ku shirtay, isku abaabushay kuna tashatay in Maxamed Bk bandhiggiisa la carqaladeeyo.

Waxa dhacay waxa Weeye, Maxamed BK isaga ayaa damcay inuu si ka madaxbanaan gaangiska magaalada Nairobi wax u maamusho, iyaguna waxay u arkeen in lagu liidayo magaaladii ay atoorayaasha ka ahaayeen, meel kastana waa sidaas oo koox bay kooto ugu xidhan tahay, kooxahaasi awood bay u leeyihiin in waxay rabaan sameeyaan, iyaga ayay u xidhantahay, imika Hargeysa qof iska tagi kara oo show qabsan kara majiro, waa in la maro meelo khasab ah in la maro.

Marka kooxahaasi dal iyo deegaan, dad iyo qabiil toona ma metelaan, waa danaystayaal isku xidhan oo qolo kasta leh.

Waxaan ka xumahay in la siyaasadeeyo arrinkaa islamarkaana khaladka koox tiro gashay dusha loo saaro dad iyo deegaan balaadhan leh oo cid kasta leh.

Waxay ahayd Maxamed in uu si ka weyn sida inta liidata u hadlo, oo yidhaahdo isirkaygu waa kuwaan ka beeranahay, fanaanka u ahay afkoodana ku maaweeliyo, waxaad rabtaan inaad qaddiyada aan aaminsanahay iyo hankayga isku milmaan, laakiin anigoo aamisan Soomaalilanimada ayaan haddana fannaan Soomaaliyeed ahay.

Fanku waa wax ina mideeya, waanan ka xumahay in albaabadii kale oo dhan iska soo xidheen inaad halkii noo caafimaad qabtay noogu soo gashaan, waxaan kaloo ka xumahay in fanaaniinta soomaaliyeed la dabaashaan inta arrinkan siyaasadeynaya, oo aanay lahayn caqliga ka sarreeya iyo aragti ka fog inta dhawaan aragga ah.

Fanaanimadu maaha cod wanaagsanida ee oolimaadka iyo dunta ayaa lama gooyaan, Muqdisho lagaama soo celin, waxbana kuuma aanay dhibin reer Muqdisho, waxaa laga yaabaa malaayiin ifka kuu jecel inay jireen, inaad u geftay ayaan qabaa, waxay kaa mudan yihiin raali gelin, haddii ay raganimo jirto.

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media