Gabar Soomaaliyeed oo PhD ah waxna ka dhigta Jaamacadda NY ayaa shir caalami ah kusoo bandhigaysa daraasad Soomaalida khuseeysa

0

(Malvern, PA) 19 Luulyo 2019 Ifraax Magan oo ah Professor wax ka dhigta Jaamacadda New York (NYU) ayaa ka qayb geleeysa shir caalami ah oo maanta ka furmay magaalada Malvern ee gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka.

Ifraax Magan ayaa shirkaa oo socon doona ilaa 21-ka bishan Luulyo kusoo bandhigaysa daraasad ay ka samaysay Soomaalida magaalada Chicago ee gobolka Illinois oo uu cinwaankeedu yahay “Gurigaagu waa halka aad kasoo jeeddo” (Your Home Is Where Your Root Is).

Daraasadda ayaa ka hadlaysa la qabsiga Soomaalida ee dhulka cusub ee ay yimaadeen iyo dhibaatooyinka ay la kulmen, taasoo lagu soo dhex qaadan doono ilaa 30 dood-cilmiyeed oo diiradda lagu saarayo Muslimiinta madoow ee ku nool Maraykanka. Ifraax ayaa ka mid ah dadka ka dhex muuqda guud ahaan woqooyiga Ameerika.

Shirkan ayaa noqonaya midkii 5-aad oo ay iskugu yimaadaan Muslimiinta madow, gaar ahaan kuwa yaqaanna Cilmu-nafsiga, wuxuuna ka dhacayaa hoteelka Desmond Hotel and Conference Center ee Malvern, Pennsylvania, Maraykanka.

Hadalsame Media