DHEGEYSO: Haddii aad tahay waalid Soomaali ah oo ku nool qurbaha arrintan iska ilaali!

0

(Stockholm) 19 Luulyo 2019 – Howladeennada caafimaad ee ilkaha ayaa la sheegayaa inay yihiin astaan digniineed oo hordhac ah marka ay dareemaan in ilmaha ay adeegyada u sameeyaan uu dhib ku haysto guryohooda. Halkan hoose ka dhegeyso…

 

Tusaale gobolka Stockholm, hay’adda Daryeelka Ilkaha ee Folktandvården ayaa waxay sanadkan gudbisey farriimo laba jeer ka badan intii hore. Sababta ugu wayni waa in aanay carruurtu soo xaadirin ballamaha loo qabto.

Gunilla Swanholm, waa guddoonka Jamciyad ay leeyihiin dhakhaatiirta ilkaha ee Folktandvårdsföreningen.

”Waxaanu dirnaa farrimaha welwelka oo ka badan intii hore waxaana qabaa inay ugu wacan tahay inta badan, inaan noqonnay dad si wanaagsan usii fahmaya arrintan oo aannu in badan kasoo shaqaynayney” ayay tiri.

Waxay arrintani kordhaysay tan iyo 2013 goortaasoo ay maamulka hay’adda Daryeelka Bulshada ama social-ku soo saartay hab-raac cusub, ha yeeshee, wuxuu koror kale dhacay 2018-kii.

Tusaale. Sanadkii tegey. Jamciyadda Folktandvården ee gobolka Stockholm waxay hay’adda adeegga dadwaynaha ee social-ka u dirtay 50-60 farriimood oo ah nooca loo yaqaanno farriimaha welwelka (oros anmälningar). Sanadkan waxay gaareen 100 farriimood. Dhanka Malmö waa 100 kale sanadkan, balse sanadkii hore waxay gaarayeen ilaa 200 oo farriimood.

Howlwadeennada caafimaadku waxay la kulmaan 80 ama 95% ka tirsan carruurta Sweden. Waxaana  sida xirfadleeyda caafimaad ee kaleba waajib ka saaran yahay inay social-ka farriin gaarsiiyaan haddii ay tuhmaan inuu ilmaha yari dhib qabo ama buko.

Joakim Levin waa Kaaliyaha Maareeye Qaybeedka hay’adda Daryeelka Ilkaha ugu qaybsan Stockholm, sidoo kale wuxuu ku takhasusay caafimaadka carruurta iyo da’yarta.

”Waxaannu farriimahan dirnaa marka ilmaha ballansani aanu imaanin, iyo xitaa marka aan aragno in ilmuhu aanu waalidka ka helin daryeelkii uu u baahnaa, sida inaysan mas’uuliyadooda qaadanin sida cadayga,” aysan raacin cunnooyinka aan u sheegno ama talooyinka aan siinno, ayuu yiri Joakim Levin.

In aanu ilmuhu soo xaadirin ballamaha loo qabto waa astaan digniin muujinaysa, sida ay sheegayso daraasad uu sameeyay machadka Karolinska Insitutet sanadkii ina dhaafay. Gaar ahaan marka uu ilmuhu dalool ku leeyahay ilka caanoodka ama buuxis ugu jiro ilkaha caadiga ah isla markaana warqad loo gudbiyay dhakhtar ilkood, waxay taasi 90%  keenaysaa in ay arrintiisa baaritaan ku samayso hay’adda adeegga dadwaynaha ee socialtjänsten.

FG: Maadaama ay iska ag dhow yihiin shuruucda dalalka galbeedku, waxa waajib ku ah Soomaalida inay il gaar ah u yeeshaan arrimahan oo ka mid noqon kara dal-daloollada laga soo geli karo, waloow uu hab-raacani yahay mid guud oo aan iyaga u gaar ahayn.

 

Hadalsame Media