DEG DEG: Iiraan oo qabsatay markabkii 2-aad oo UK leedahay & UK oo ka hadashay!

0

(Marinka Hormuus) 19 Luulyo 2019 – Iiraan ayaa la sheegay inay qabsatay markabkii 2-aad oo ay leedahay dowladda Britain, kaasoo ay Ilaalada Jamhuurigu ka qabteen biyaha maxalliga ah ee Iiraan.

Markabkan oo Sucuudiga u socdey ahna saliid qaade la yiraahdo Stena Impero ayaa ku shiraacanayay Marinka Hormuus, balse waxaa la sheegay inuu ka leexday biyaha caalamiga ah oo uu galay kuwa ay Iiraan maamusho, gaar ahaan gasiiradda Qeshm.

Wasiir Dibadeedka UK Jeremy Hunt oo arrintan goor dhowayd ka hadlay ayaa sheegay in ”aan la aqbali karaynin” in ay Iiraan qabsato markabkii 2-aad ee ay UK leedahay.

”Waxaan gelayaa kulan deg deg ah oo ay leeyihiin Golaha Wasiirradu (COBR), si aan dib ugu eegno waxa aan ognahay iyo waxa qaban karno si loosii daayo labada markab ee nalaka haysto.” ayuu yiri Wasiirku.

Hadalsame Media