Siyaasigeennu marka horena ma saadin karo, marka dambena ma saadan karo (Qalinkii Maxamed Xaaji)

0

(Hadalsame) 18 Luulyo 2018 – Dalka Somalia oo xornimo beenaadka Afrikada kale lagu nabay dhankiisa ka qaatay 1960-kii, ayaa u muuqda mid ilaa maanta la jaandaaqi la’ hannaanka dowladeed ee dunida maanta.


SABAB?

Markii xornimo beenaadkaa la hantay, dalal badan oo Afrikaan ah oo aynigeen ah waxaa u kacay hoggaamiyeyaal dhidibbada u aasay dhisidda dal qaran (nation state), waxaan ka xusi karaa Ghana, Tanzania,¬†Botswana IWM, dalalkan way adag tahay sida uu nidaamkooda qaran u fashilmo, waayo waxaa u dhisan hay’aad qaran oo leh rukumo qoto dheer.

Dalka Somalia, nasiib darro, uma dhismin sidii dal balse waxay howshu iska ahayd ha YAACDO, eeddana siyaasigu ma wada laha, balse wuxuu kasoo gelayaa dhanka inaanu dadka u diyaarin istaraatijiyad ay kaga guuraan hannaankii qabyaaladeed oo loo helo cadaalad iyo xeer loo wada siman yahay (Social justice and rule of law).

60-meeyadii markii xornimada la qaatay, waloow ay jireen dhowr siyaasi oo macquul ahaa, wuxuu inta badan siyaasigu dadkii ku mirqaamiyay xisbi qabiil oo ujeedkiisu yahay in hebelkaa xisbiga samaystay uu kursi helo, sheekadiina waxay ku dhamaatay inuusan xal qaran oo buuran keenin siyaasigii dhaxlay XORNIMO BEENAADKII.

Sidii la isu jiidjiidayay waxaa xukunkii qabsaday millaterri, waaba loo bogey 5-6 sano oo xukunkoodii ugu horreeysey, balse markii dambe sheekadii waxay qortay is dardar, waayo wax kasta waxay ku noqdeen sidoodii hore iyo ka daran, weliba markan waxaa isle’egta ku jira wax la yiraahdo ”Hanti Wadaagga cilmiga ku dhisan” kaas oo aan ka tarjumaynin baahida iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu xukunkii millateriga ahaa iqtiraacay aragtida ah in xukunka xoog lagu doono, taasoo ay Soomaalidu ku bixisay qiimi aad u badan oo ay ka mid tahay duminta qarankeedii, welina eelkeedu taagan yahay.

Yeelkeede, intii uusan 10 sanaba dhamaysan waxaa bilowday jabhado xambaarsan isla aragtidii ahayd kursi doonka, iyadoo uusan weli siyaasigii millateriga ahaa uusan la imanin wax xal ah oo dalka lagu badbaadin karo si arrintaa jabhadaha loo xalliyo, marka laga reebo xukun jacayl.

Waxaana bilowgii la isku dayay af-gembi markii uu fashilmayna waxaa bilowday jabhado xambaarsan aragti qabiil oo saldhigga ra’yigoodu yahay ”annagoo reer qurac ah sidee reer qansax noo xukumi karaan IWM”. SSDFM, SNM, USC, SPM, SSSSSSSSS……Waxay noqotay tusbax go’ay.

Kulligoodna isma waydiinin in haddii ay magan u noqdaan dal cadow ah, iyagoo weliba ah qabiillo magacyo Ingiriis ah soo gaabsaday lkn aanu mabda’ isku xirayaa jirin, balse kaliya ka midaysan si ay ula diriraan dowladdii millateriga ahayd, in ujeedka dalkaa ay magan galeen ee Itoobiya aanu noqonaynin inay ridaan xukunka markaa jirey oo qura e loo yeerin doono wax kasta oo sal-rujin kara qarannimada dalkooda.

Xukunkii ayay dhaxleen jabhadihii qabiilka ku magacoownaa (haa, ku magacownaa, waayo qabiilku waa KAAR AQOONSI oo la iska adeegsado, laguna adeegto), balse muhiimadduu waa sidii uu siyaasi X ama Y uu KURSI & KAASH ku heli lahaa.

Middii ay dhigeenba waa tii la ogaa, waxa qura ee ay ka midaysnaayeen waa inaan la helin dowlad ka hana qaadda dalka Somalia, mid yiraahda waan goostay, iyo kuwo iyagu isku jeesta ee markii ay birta iska asleen, sii kala jeestey ee misna dhexdoodii isku jeestey, waxay ku dhamaatey dhiigleey iyo dhabbana-hays. Maxaa XAL ah? Haba sheegin!

Dalkii oo sidaa u kala googo’an oo ay dadkii ku gumoobeen baa waxaa soo dhigtay mid sheeganaya inuu yahay FALXAD lasoo diray oo wixii fashil ah xallin doona, markii hore waxay nabad ka dhigeen dhamaanba meelihii ugu dhibka badnaa dalka, yeelkeede, maaddaama sidii caadada u ahayd Soomaalida, aanu jirin mabda’ lagu midaysnaa waxay cagta saartay jidkii caalwaaga.

”Adis Ababa ayaan ku dukanaynaa” ayay ku dhamaatay, taasoo aynaan maanta ka sheekaynaynin waxa ay dhashay, iyadoo laga fursan karey haddii lala yimaado siyaasad bisil oo dadka lagu kala badbaadiyo dunidaa u malabsanaysana looga badbaadiyo.

Haatan waxaa lagu jiraa 12 sano oo qarax iyo qaxar ah oo dan lagu gaarayo, dad lagu badbaadinayo iyo dal lagu xoreeynayo aysan jirin, taa biddaalkeeda, waxay taasi bixisay fursad dalka lagu qabsado, lagu qaybiyo laguna qaato khayraadkiisa, mana jirto fursad inta meel lagu fariisto ay inta waxaas samaynaya ay kula iman karaan karti ay ku saxaan wixii ka khaldamay.

Dhinac kale, waxaa ka dhisan maamul-beeleedyo malaha loosii dhisay qaab BOOS-CELIS ah oo looga gol leeyahay in umadda lagu mashquuliyo, haddii lacalla laga gudbo qaraxa iyo qaxarka la socda, siyaasiguna ma birin-birin karo ra’yi kaa ka qurxoon oo qaran lagu badbaadin karo.

Shalay oo ugu dambaysay waxay saf ugu jireen san-cadaale aan wax dan ah u haynin umadda Soomaaliyeed oo ay uga soo safreen meel fog, iyagoo gabay in ay wax adeeg ah siiyaan umadda ay xilalkooda sheeganayaan oo ay weliba lacago ka qaadaan, mana jiro wax fikrad ah oo muuqda oo ay ka haystaan, halka ay taagan yihiin iyo halka ay u socdaan.

Haddaan isku soo xooriyo maanta oo la joogo 28 sano kaddib burburkii nidaamkii millateriga ahaa, ma jiro hal siyaasi oo ay ka muuqato inuu wado ama xambaarsan yahay aragti qaran oo lagu badbaadin karo dalka iyo dadka, ama ha ahaato dowlad dhexe ama mid goboleed, waxaana kaliya muuqata in waxqabadkiiba loo fahmey midka xilka haysta oo ka fikira sidii uu KURSIGA u haysan lahaa iyo midka markaa qadsan oo ku mashquulsan sidii uu uga qaadan lahaa, laakiin KURSIGEE? Bal horta dal ma noo dhisan yahay aan KURSI ka fikirnee? Caqliga goronyo idinka sabatay!

Waxay sheekadu kusoo biyo shubanaysaa oo ay taariikhahaa aan soo xusay ka wada siman yihiin, in siyaasiga Soomaaliga ihi uusan lahayn karti uu MARKA HORE KU SAADIYO WAXA SOO SOCDA, AMA UU MARKA DAMBE KU SAATO HADDII FURSADI SOO MARTO, waayo inta meerto ee aan kasoo sheekeeyay, mid waliba waxaa ku jirta fursad aan markii hore laga sii fikirin markii ay timidna aan la falin.

Qore; Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Boosto-Danabeed: [email protected]

Hadalsame Media

 

 

 

Facebook Comments