ISHII SOMALIA: Itoobiya oo qarka u saaran inuu ka dhasho maamul-goboleedkii ugu horreeyay oo khilaafsan DF Itoobiya

0

(Addis Abeba) 18 Luulyo 2019 – Gayfanayaal ka kacay magaalo ku taalla dalka Itoobiya ayaa doonaya inay ku dhawaaqaan maamul cusub oo ay yeeshaan qoowmiyadda Sidaamada oo abnaq ahaan ka mid ah qoowmiyaadka Kushitigga ah ee ay isu dhow yihiin Soomaalida, Oromada, Canfarta iwm.

Maamulkan oo la doonayo in lagaga dhawaaqo magaalada koonfurta Itoobiya ku taalla ee Hawaasa ayaa ah mid aan waafaqsanayn ama fasax ka qaadanaynin DF Itoobiya, iyadoo laga werwersan yahay inay arrintani rabshado keento.

Tillaabadan ayaa tijaabo hor leh ku ah sida ay DF Itoobiya ee uu hoggaamiyo RW Abiy Ahmed ay u dabiqi karto isbedello dimoqraaddi ah, jeer ay soo xoogaysanayaan kacdoonnada ku dhisan wadaniyadda qoowmiga ah (ethno-nationalism), wax u qaab eg marxaladdii ay mareen Midowgii Soofiyeeti, Yoguslavia iyo Checkoslovakia kahor intaanay burburin oo kala googo’in.

Dadka qaar ayaa maanta oo Khamiis ah haweenkii iyo carruurtii ula qaxay caasimadda Addis Ababa iyagoo ka baqanaya rabshado gacan ka hadal ah oo bilaabma, sida uu nin Hawaasa degani u sheegay Reuters.

Hannaanka federaal ee dalka 2-aad ee Afrika ugu dadka badan ayaa u qoondaysan qaab qoowmiyadeed, iyadoo la tixgeliyay qoowmiyadaha faraha badan, balse Sidaamada oo 5% ka ah Itoobiya oo ah 105 milyan ayaa ku doodaya in la hagraday.

Sidaama oo qurana maahee 8 qoowmiyadood oo kale ayaa iyaguna u qaylinayaa maamul-goboleedyo iyaga u gaar ah.

Hawassa City waa caasimadda gobol ay wada leeyihiin qoowmiyado badan oo la isku yiraahdo Ashaamudka Koonfureed, balse Sidaamada oo ah qoomiyadda ugu badan ayaa doonaya inay magaalada ka dhigtaan gobol maamul ahaan iyaga u ah.

Meles Zenawi oo ah ninka hannaankan hindisey ayaa Somalia u safriyay iyadoo haatan ka dhaqaaqi la’ federaal qabyaaladaysan isla markaana ay hoggaaminayaan madax aan inta badan lahayn mas’uuliyad, karti iyo doonis horay loogu socon karo.

Hadalsame Media