FADEEXAD: Dhakhaatiir lagu helay dacayacaad sababtay inay dhintaan ama dhaawacmaan carruur markaa dhalatay! (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 18 Luulyo 2019 – Baaritaan ay wakaaladda wararka Ekot ku samaysay 15 kiis oo dhalasho caruureed ah ayay ku ogaadeen in howlwadeennada caafimaadku aysan Waaxda Baaritaanka iyo Daryeelka ee IVO ku wargelin haddii uu lacalla ilmo yari dhinto ama dhaawacmo.

Tusaale, haddii uu yimaado dhaawac halis ah oo laga badbaadi karay, waxaa waajib ku ah inay ogaysiiyaan Waaxda Baaritaanka iyo Daryeelka ee IVO oo ah hay’ad daba gasha khaladaadka ka dhaca isbitaallada.

Yeelkeede, howlwadeenada caafimaadka qaarkood ayaa fasiraado kale ka bixiyeen waxa loo arki karo ’’dhaawac halis ah’’ iyo in ay mas’uul ka yihiin dhibka dhacay iyo in kale.

Waxaa xitaa mar dhacday in todobaad ka badan ilmo yar oo dhashay madaxiisa lagu illaabey danab-yaraha madaxa lagu qabto marka ilmaha la dhalinayo. Balse mar ilmaha lagu sameeynayay baaritaan gudeed (ultrasound) ayaa la arkay iyadoo weli madaxa uga dheggan, taasoo ay ka carootey waaxda Baarista iyo Daryeelka ee IVO oo ay hooyada ilmuhu u ashtakootey. Peter Blomstrand oo ah madaxa dhakhaatiirta isbitaalka Länssjukhuset Ryhov oo ku yaalla Jönköping ayaa ka hadlaya.

”Dabcan sax maaha in ilma yari uu todobaad ka badan birtaa madaxa ku sito. Taasi sax maaha” ayuu yiri Dr Peter Blomstrand.

Maadaama Peter Blomstrand uu ka mid yahay maamulka isbitaalka Jönköping, waxaa la hor dhigay su’aal ku saabsan sababta uu cusbitalku korontada ilmaha yar lagu illoobey ugu sheegi waayay hay’adda IVO.

”Waa arrin halis ah, waana wax laga shallaayo inay dhacday. Waayo ilmaha yar waxaa soo gaarey dhaawac, balse sidaan u aragno ma aha arrin halis ah marka dhanka sharciga laga eego.” ayuu yiri Peter Blomstrand.

Kiis kale ayaa ka dhacay Akadamiyaha Caafimaadka ee Uppsala, halkaasoo ay gabar yari dhiig la’aan u dhimatay kaddib markii ay dhalatay, iyadoo ay jirto dayacaad howleed iyo markii dambe oo aanay ku wargelin hay’adda IVO-ga (inspektionen för vård och omsorg) oo war ay soo saartay ku sheegtay inaan gabadha yar la siinin adeeggii iyo ogaalkii ay xaqa u lahayd sharci ahaan.

Waxyaabaha ay Waaxda Baarista & Daryeelka IVO dhaliisheeda u cuskatay waxaa ka mid ah in howlwadeenka caafimaadku aanay baarin dhiigga ku jiray biyaha ilmagaleenka, si ay u hubiyaan isha dhiigga; sida inuu ka imanayay hooyada ama ilmaha yar ee uurka weli ku jira.

Dadka ka mas’uulka ah Akadamiyaha Caafimaadka ee Uppsala, ayaa sameeyay khalad kale oo wayn, kaasoo ahaa inaysan IVO-ga u gudbin diiwaanka gabadha dhimatay ku dhalatay dhiig yari, balse la badbaadin kari lahaa haddii shanta maalmood oo hooyadu cusbitalka ku jirtay cillada la ogaan lahaa.

Mikael Köhler oo ah madaxa qaybta dawada ee Akadamiyaha Caafimaadka ee Uppsala oo ka jawaabaya eedaha IVO u soo jeedisay ayaa sheegay:

”Sharcigu Makala cadda, waxaana runtii dhici karta inaan si kale wax u dareemayno gebi ahaanba.” ayuu yiri Mikael Köhler.

 

Hadalsame Media