DAAWO: ”Dib halloo celiyo!” – Trump oo qabtay dibed bax lagula ORRINAYO Ilhaan Cumar

0

(Greenville, NC) 18 Luulyo 2019 – Isu soo bax uu qabtay MW Donald Trump oo ka dhacay Greenville, N.C., ayaa waxaa mar qura is qabsaday dadkii oo ku qaylinaya “dib halloo celiyo iyada” iyagoo ula jeeda Ilhaan Cumar oo uu Trump ka sameeynayay tweet-yo lagu tilmaamay kuwo cunsuriyadeed.

Dadkan ayaa orrinayay markasta oo uu Trump soo magac qaado Ilhaan Cumar kaddib markii uu soo qoray faallooyin badan oo ka dhan ah Omar iyo Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo uu u sheegay inay baxaan oo dib ugu laabtaan ”dalalka ay dembiyadu la degeen ee ay ka yimaadeen.”

Ilhaan Cumar oo ku dhalatay Somalia ayaa Maraykanka timid iyadoo qaxooti ah, halka ay 3-da kale ku dhasheen Maraykanka, waxayna arrintani aad usii kala qaybisay dadka Maraykanka oo ay qaarna Trump ku taageereen qaarna ku diiddan yihiin.


Hadalsame Media