Waa laba isla dhalatay oo isku dhibtooday, in la isku dhaafo & in lakala dhiciyana diide!

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2019 – Aqallada tuuladu waa muddullo. Labo walaalo ah ayaa muddulkoodii ku dhex dagaalamay. Waa kala adkaan waayeen. Mid walibaa wuxuu ku fekeray inuu tiirka muddulka jebiyo si saqafku kan kale ugu soo dhaco. Isku mar ayuu labadiiba ku soo dhacay oo dhusha kaga fariistay.

Waxay ku xanaaqeen deriskii iyagoo leh “Markii saqafku soo dhacayey waa nalaku fiirsanayey. Dadka kale waa loo gurmadaaye, annaga si kalaa naloo neceb yahay.”

Markii derisku damcaan inay dhinac ka qaadaan muddulka, labada walaalaha ah kan dhinaca kale jiifa ayaa qayliya “Yaa idiin dirsaday. Ama si siman isku mar nooga qaada ama faraha ka qaada!” Markii la daayana, waa nala dayacay iyo maxaa nalooku fiirsanayaa ayey bilaabaan.

Hadalsame Media