Gabdho Soomaaliyeed oo shaqaalihii ku kiciyay shirkadda Amazon (Ogoow sababta)

0

(Shakopee, MIN) 16 Luulyo 2019 – Muddo 3 sanadood ah Safiyo Mohamed waxay ka shaqaynaysay xarun wax lagu baakeeyo oo ay leedahay Amazon taasoo ku taalla Shakopee, Minnesota., waxayna dareentay in loogu shaqeeyay sidii robot iyada la shaqeeya.

Waxaa laga doonayay inay soo qabato, baakadayso, iskaan mariso kaddibna kaydiso 260 sheey oo cabbir iyo cuf kasta iskugu jira saacaddiiba, kuwaasoo uu usoo dhiibey robot aan nafi ku jirin.

Si ay haddaba robotkaa ula xusliso waxay Safiya ku khasbanaatay inay la tartanto bir aan daalayn oo dab ku shaqaysa: Waxay meesha ka saartay inay biririf qaadato, qubaysato ama xitaa iskala bixiso.

Waxayna sidaa oo idil u yeelaysey inaysan ka dib dhicin birta la shaqaynaysa, ha yeeshee saasoo ay tahay laba jeer loo digey, taasoo ay raacday in mar la eryay. Waa 3 sano oo ciqaab ah.

Haatan Safiyo iyo saaxiibadeeda shaqada — Hibaq Mohamed iyo Nimo Hirad — ayaa isku duwey ilaa 200 shaqaale ah oo ka mid ah dadka dulman ee ka howlgala suuqa Amazon ee Shakopee oo ay ka dhaadhiciyeen inay shaqa joojin sameeyaan 6 saacadood oo ka mid ah xilliyada ay shaqada ugu badan tahay maalintii si ay loo hagaajiyo xaaladda ay ku shaqeeyaan iyo badbaadada shaqada.

War uu mariyay MPR News, afhayeen u hadlay Amazon ayaa cabashada shaqaalaha ku tilmaamay mid ku dhisan “eed aan sal lahayn,” isagoo sheegay in shirkaddu ay taageerto dadka aan shaqada u qaban karin sidii loo qorsheeyay.

Hadalsame Media