DHEGEYSO: Midowga Yurub oo caawa dooran doona haweenaydii ugu horreeysey ee qabata xilka…

0

(Strasbourg) 16 Luulyo 2019 – Caawa fiidkii Baarlamanka Yurub ayaa u codayn doona siyaasiyadda Ursula von der Leyen oo doonaysa inay noqoto haweenaydii ugu horreeysey ee qabata Hoggaanka Sare ee Midowga Yurub ee loo yaqaanno European Commission, iyadoo wada hadallo gorgortan ah xalay ilaa xilli dambe kula jirtey axsaabta kala aragtida ah.

Ha yeeshee, waxay haatan u muuqataa in la dooran doono von der Leyen oo u dhalatay Jarmanka, kaddib markii ay ogolaatay dhowr dalab oo ka yimi dhanka xildhibaannada Baarlamanka, sida uu sheegayo Fredrick Federley, oo Baarlamanka Yurub ku metela Xisbiga CenterPartiet ee dalkan Sweden.

”Baarlamanka waxaa ku jira dad badan oo ay la tahay inay tahay qof aad u wanaagsan, waloow ay jiraan codad diiddan, misna inta badani waxay isku raacsan yihiin inay tahay qof u diyaar ah inay dhegeysato xildhibaannada in ka badan kuwii iyada ka horreeyay,” ayuu yiri Federley.

Shalaytoole waxaa soo baxay su’aalo ka imanayay isbahaysiga axsaabta liberaalka ah ee la magac baxay Renew Europe, kuwaasoo uu ka tirsan yahay siyaasiga Fredrick Federley iyo xulafada xisbiyada Social Democrats oo Ursula hor dhigay dhowr moowduuc si ay u ogaadaan waxa ay ka qabanayso iyo moowqifkeeda, sida inay ballan qaaddo inay meel adag ka istaagayso arrimaha la xiriira cimilada iyo in dib loo eego sida ay dalalka Yurub u dhaqan geliyaan shuruucda Yurub iyo qiimaynta dimoqraadiyadda.

Xisbiyada Cagaaran ee degaanka u dooda oo markii hore caga jiidayay ayaa haatan u muuqda kuwa usoo dabcey dhanka Ursula oo ay xeer jajab la meel dhigeen.

Von der Leyen ayaa dhanka kale doonaysa in dalalka xubnaha ah laga xayuubiyo codka qayaxan ee gaarka ah, iyadoo soo jeedisey in la raaco halkii ay aadaan inta badani.

Waxaan se haweenaydan la dhacsanayn isbahaysiga ay ku midaysan yihiin axsaabta muxaafidka ah ee midigta u janjeera ee aan sidoodaba la dhacsanayn Midowga Yurub, kuwaas oo la isku yiraahdo ECR, waxaana xalay oo idil raggii arrintaa ku foogganaa ka mid ah Peter Lundgren oo ka tirsan xisbiga soo galooti diidka ah ee dalka Sweden ee SD oo u ololaynayay in la diido Ursula von der Leyen.

”Waa qof la cad cad aragtida Yurub federal ah. Waxay xitaa riixaysaa qorshe lagu sii xoojinayo saamaynta ururkan, waxay doonaysaa ciidan ay Yurub yeelato. Waxay nala tahay inaysan ahayn musharrax wanaagsan,” ayuu yiri Peter Lundgren.

Hadalsame Media