DAAWO: ”Afarta gabdhood” oo qabtay shir jaraa’id oo ay ku geesa garaaceen Trump

0

(Washington, DC) 16 Luulyo 2019 – Afarta gabdhood ee ka tirsan Koongarayska ee uu Donald Trump u sheegay inay ku laabtaan ”meesha ba’day ee ay ka yimaadeen” ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay ugu jawaabayaan, iyagoo sheegay inaysan bareeg u qaban doonin warkiisa.

Iyadoo dhaleecaynaysa “warka nacaybka ah ee kasoo baxay ninka haysta Aqalka Cad” – waxay sheegtay “inay markasta ugu yeeri doonto ninka haysta, maadaama uu kaliya meesha haysto” – ayay tiri Ayana Pressley (D-Mass.) iyadoo dadka Maraykanka uga digtey inay dabinkiisa ku dhacaan.

Ilhan Omar (D-Minn.) ayaa sheegtay in Trump oo il daaf leh ku eegay cunsuriyiintii dadka ku diley Charlottesville, isla markaana la shaqeeyay Ruushka wadada qura ee la marsiin karaa ay tahay “in lasoo gole joojiyo” taasoo ah aragti ay wada qabaan afartan gabdhood.

Alexandria Ocasio-Cortez (D-New York) ayaa Trump ku weerartay inuu “ka hor yimaado” farriin ay sheegtay inay niyadda ugu dhisayey carruurta, iyadoo sheegtay inaysan Trump uga gayoon doonin inay ka “tagto waxa aan jecel nahay. Dalkanna waa jecel nahay”.

Rashida Tlaib (D-Michigan) ayaa sheegtay inay Washington usoo dirsatay mid ka mid ah degmooyinka ugu faqrisan Maraykanka ayna u timid inay la dagaallanto musuqa ay horseedka ka yihiin “sharikaadka waawayn” – balse ay iminka diiradda saarayso sidii Trump loogula xisaabtami lahaa “xaalad insaaniyadda ka baxsan ee ka jirta xadka.”


Hadalsame Media