Midowga Yurub oo war kasoo saaray waxa ay ka damacsan yihiin Somalia (War Saxaafadeed)

0

(Muqdisho) 14 Luulyo 2019 – Ergooyinka Ururka Midowga Yurub qaybihiisa maamulka, gaashaandhigga iyo amaanka ee ku sugan Somalia (EUNAVFOR, EUTM, EUCAP) ayaa cambaareeyay weerarkii dorraad ka dhacay magaalada Kismaayo.

Ergada MY ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay gacan ka gaystaan dhalinta Somalia deggan, dimoqraadi ah isla markaana leh mustaqbal ifaya oo barwaaqo ah si looga faa’iideeyo umadda Soomaaliyeed oo loogu abuuro jawi ay midnimada iyo cadaaladdu hana qaadaan, sida ay ku yiraahdeen War Saxaafadeed kasoo baxay.

“Waxaannu u tacsi u diraynaa qoysaska dadkii qaraxaa ku le’day waxaana hiillo u muujinaynaa dadka ku dhaawacmay.” Ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Midowga Yurub.

Hadalsame Media