”Iska bax intaan lagu bahdilin!” – Siyaasi caan ah oo digniin u diray MW Axmed Madoobe

0

(Nairobi) 14 Luulyo 2019 – Waxaa soo dhow doorashada maxalliga ah ee Maamul-goboleedka Jubbaland, taasoo uu 8 sanadood Madaxwayne ka ahaa Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kaasoo haatan ku howllan isku dayo uu xilka kusii haysto.

Yeelkeede, waxaa jira dad badan oo mucaaradsan madaxtinnimada Axmed, kuwaasoo ay qaarkood daliishanayaan inuu dad kale fursad siiyo maaddaama uu xilka hayay muddo ku filan, wax badanna aanu ka qabanin gobolka oo ay dhul badan ka haysato kooxda Al Shabaab.

Dadka aragti ahaan mucaaradsan waloow aanu ku jirin siyaasadda Somalia waxaa ka mid ah Faarax Macallin oo ay siyaasi ku jira siyaasadda Kenya oo uu xilal kasoo qabtay.

Wuxuu Twitter-kiisa kusoo qoray sidatan: ”Marka waqtigaagu gabaabsi noqdo waxaa la dhuuntaa sida ragga xarfaanta ah ee Shariff Hassan & Compraore ama bahdil baad wajahaysaa sida  Illeey, Gaddaafi & Bashiir.”

”Waxay u baahan tahay aqoon & aragti inaad aqbasho wixii aan laga fursan karin oo aad deeto dhaqaajiso. Albaabka nabad uga bax ama wejiga ayaa lagaaga garaacayaa isagoo xirmaya.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media